Deg Deg: Suldaanka Beesha Ugaar Saleebaan “Suldaan Muuse Faarax” Oo ay Dablay Xiran Tuutaha Puntland Ku Dileen Gudaha Magaalada Boosaaso (Warbixin).

Boosaaso(Allssc): Waxaa maanta magaalada Bosaso lagu diley Suldaan Muuse Faarax Muuse oo ahaa suldaanka beesha Muuse Saleebaan (Ugaar Saleebaan).

Dad ka agdhawaa goobta Dilku ka dhacay ayaa sheegaya in dilka ay geysteen laba nin  oo ku labisnaa Tuutaha ciidamada kadibna ay ku baxsadeen gaari meesha u taagnaa, dilka ayaa ka dhacay goob dadku ku badnaayeen waqti ay socdaan hawlihii ganacsigu.

Marxuumka la diley ayaa 15 sano ee u danbeysey ka shaqeynayey arrimaha nabadda iyo wada noolanshaha bulshada Deegaanka, waxa uu ahaa nin afgaaban isla markaana lagu yaqaano cibaado badan.

Ma cadda jihada ay ka yimaadeen nimanka dilka geystey, waxaa jira xaalad kacsan iyo mid cabsiyeed oo ay abuurtay dilka Suldaanka.

Tan iyo intii c/raxman Faroole Xilka uu ka dhamaaday ayaa waxaa magaalada Boosaaso soo buux dhaafiyay Maleeshiyo lagasoo daad gureeyay Deegaanka Garoowe kuwaas oo aad had iyo  jeer ku arkayso wadooyinka iyo Xaafadaha Magaalada Boosaaso kuwaas oo u soconaya hab Fawdo iyo xaalad kicin ah, Maleeshiayd aC/raxman Faroole soo dhoobay magaalada Boosaaso ayaan lahayn tababar ciidan balse waa kuwo loosoo galiyay Dirays ciisan oo kaliya.

Wixi  Kasoo Kordha Kalasoco Warbaahinta Allssc

Cismaan Qandala Allssc Garoowe

Allssc@allssc.com

Like!
0
  • Like!
    0

Comments:

Leave A Comment

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>