Dagaal Khasaare Nafeed iyo Maalba Geystey oo Xalay Tuulada Lafwayne Ku dhex maray Ciidamadda Daraawishta Khatumo iyo Maleeshiyada SNM.
Dagaalkan ayaa Xalay Saqdii dhexe ka dhacay Duleedka Tuuladda Lafwayne oo qiyaastii 25KM dhanka waqooyi kaga Beegan Degmada Xudun ee Gobolka Sool,dagaalkan waxaa fooda isku daray labo ciidan oo Korjoogto ahaa oo ka kala socdey Labada Dhinac walow Ciidamada Maamulka Khaatumo ay dagaalkaas Guulo la taaban karo ka sheegteen.
Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamadda Daraawiishta Khaatumo ayaa Allssc u Xaqiijiyey in ay Sadex(3) Gaadhi oo Nooca Dagaalka ah kaga Gubeen iska Hor imaadkaas waxaa kale oo Sarkaalkaasi noo sheegay in ay jiraan Khasaare Nafeed oo soo gaadhay Maleeshiyaadka SNM-ta ee Duulimaadka ku Jooga Dhulka SSC.
Ma aha markii u Horeysey ee Dgaal Habeenimo oo dhex maro ciidamo ka socda Daraawiishta Khaatumo iyo Kuwa SNM ee ku sugan Degmada Xudun iyo Aageeda.
Wixii war ah ee kasoo kordha Kala soco ALLSSC.
Short URL: http://allssc.com/?p=53214














Geeyshkayagoow guuleysta……Guusha inagaa lee guuleysta…
Nacabka gawda u istaagoo guuleysta…
ninkii dhof ku yimibaa geeridu dhibaysaa…
Guul khaatumo state 4 ever