Bayaan Ka Soo Baxay Wax-Garadka Iyo Guddiga Badbaadada Gobolka Mudug (Dhagayso Bayaanka Gudiga).

Gaalkacyo(Allssc) Waxaa maanta (Jimce) shir isuu yimid magaalada Gaalkacyo Aqoonyahanka iyo waxgaradka Mudug waxaana shirkaani daba socdey shirara maalmihii u danbeeyey ay lahaayeen, waxaana shirka maanta ay ka soo saareen baaq daba socda baaqyo horey loo soo saarey kaas oo ay ku tilmaameen in uu yahay kii u danbeeyey, waxaa baaqan loogu digey ururada dhawaan lagu dhawaaqey in aysan wax xarumo ah ka furan karin Gobolka Mudug, sidoo kale waxaa dhalinyarada Puntland ay ugu baaqeen in aan lagu qaldin nidaam aan sharci ahayn oo waddo khaladn loo maray hoos ka akhri bayaanka.

 Halkan Hoose Ka Dhagayso

Halkan Ka Dhagayso

 

Jimce, February 1, 2013

Shirar is-daba-joog ah oo ay yeesheen nabaddoonnada iyo wax-garadka gobolka Mudug, ayaa kadib markii ay qiimeeyeen marxaladda ay haatan marayso Puntland, oo ay horay uga soo saareen bayaan cad oo ku aaddan mowqifkooda siyaasiyaga ah, waxay markale maanta oo ah Jimce, 1-da Februay, 2013-ka ay qodobbo ay ku cadeeynayaan mawaaqiftooda ku aaddan sharciyadda golayaasha, axsaabta iyo xaaladda guud ka soo saareen qodobada hoos ku xusan:

  1. In sharciyadda golaha sharci-dajintu uu dhammaaday 31-kii October, 2012-kii, halka kan fulintuna uu jiritaan beelay 8-dii January, 2013-ka.
  2. In xukuumaddii hore ku fashilantay in ay si sharciga waafaqsan u maarayso marxaladda kala-guurka sidaa darteedna ay mas’uul ka tahay faraaqa bannaanaaday iyo wixii eel ah ee laga dhaxlo.
  3. In shacabka Puntland guud ahaan iyo si gaar ah kan gobolka Mudug ay soo dhaweeynayaan geeddi-socod walba oo ku aaddan dimuqraadiyadeeynta iyo u guuridda hannaanka xisbiyada badan.
  4. Si kastaba ha ahaatee, waxan hoosta ka xariiqeeynaa hannaanka uu maamulkii hore ku wado barnaamijkaas masiiriga ah in uunan ahayn mid ku bannaan dadka reer Puntland, xisbiyada lagu dhisayna ayan ahayn kuwo sharci ah oo ka tarjumi kara rabitaanka dadka reer Puntland.
  5. Waxan hoosta ka xarriiqeeynaa in barnaamijkaasi uu Puntland – iyo meel walba oo hannaanka xisbiyada badan ka hirgalo – ka suuragali karo marka la helo shuruudaha sal-dhigga u ah hirgalintiisa sida:

a. Qeexidda rasmiga ah ee dhulka iyo xudduudaha Puntland
b. Aqoonsiga rasmiga ah ee dadka reer Puntland
c. Marka si sharci ah oo caddaalad ah loo xaddido degmooyinka Puntland iyo soohdimahooda
d. Marka si buuxda loo sugo ammaanka, shacabkana lagu sameeyo hub ka dhigis buuxda
e. Marka la taabba-galiyo hannaan caddaaladeed oo hufan kana madax-banaan maamulka, sida Maxkamadda Dastuuriga ah ee lagama maarmaanka u ah duruufaha caynkan oo kale ah

6.  Inta ka horeeysa xilliga ay soo dhameeystirmayaan daruufahaas,
waxan caddeeynaynaa in aan degmooyinka gobolka Mudug aan laga furi karin wax axsaab siyaasadeed ah si looga fogaado khalkhal ammaan oo ka dhaca gobolka gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Your ads will be inserted here by

Easy AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Talo soo jeedin:

Haddaba si Puntland looga gudbiyo duruufahan adag si nabad ah isla markaana waafaqsan xeerarkii asaliga ahaa ee lagu dhisay maamulka ay ku bahoobeen dadka isir-wadaagga ah, waxan soo jeedinaynaa:

  1. In lagu mintido lana ilaaliyo ammaanka guud iyo kan gaarka ah ee dadka iyo dalka Puntland, iyada oo dhinaca kalena si buuxda oo dastuurka waafaqsan loogu ololeeynayo shariciyadda loogana hortagayo wixii xad-gudub ku ah heshiisyadeennii hore.
  2. In dadka reer Puntland, gaar ahaan dhallinyarada ayan ku khatalmin, kana gacma-buuxsadaan fahamka xisbiyada aan sharciyadda ku dhisnayn ee la doonayo in asaas looga dhigo aayahooda fog.
  3. In Isimada marjaca u ah reer Puntland ay hubiyaan in hantida guud ee Puntland aan loo isticmaali karin dano khaas ah, sida in taageero loogu soo jiido xisbi iyo siyaasad gaar ah.
  4. Waxan u soo jeedinaynaa ciidamada ammaanka meel walba oo ay joogaan in ay ilaaliyaan nabadda iyo xasilloonida maankana ku hayaan in ay adeegayaal u yihiin dadkooda, dalkooda iyo ilaalinta dastuurka.
  5. Ugu dambeeyntii waxan Isimida Puntland u soo jeedinaynaa in ay si degdeg ah u soo fara-galiyaan cakirnaanta siyaasadeed ee ka taagan Puntland inta ayan xaaladdu gaarin meel fara-ka-bax ah, isla markaana ay sida qabata uga taliyaan masiirka dadkooda iyo dalkooda.

Wabiillaahi Towfiiq:

Saxiixayaasha:

  1. Nabaddoon Maxamuud Sheekh Doon
  2. Nabaddoon Yaasin Cabdisamad
  3. Nabaddoon Siciid Faarax Nuur Dirir
  4. Nabaddoon Maxamed Maxamuud Kalajaban
  5. Nabaddoon Cabdiqani Maxamed Cabdi Baalle
  6. Nabaddoon Cabdi Siciid Warsame
  7. Cabdulqaadir Shoole
  8. Axmed Maxamed Jaamac
  9. Ex Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed
  10. Cabdirashiid Cilmi Guure
  11. Maxamed Muuse Bile
  12. Cabdisalaan Faarax Hoolif
  13. Jamaac Darbaal
  14. Faarax Cabdi Doorshe
  15. Siciid Cabdi Firin
  16. Maxamuud Cabdi Yare
  17. Sugulle Cumar Cali
  18. Bashiir Faarax Cali
  19. Xabiib Maxamuud Samatar
  20. Abshir Maxamed Aadan
  21. Cabdicasiis Nuur Xaashi
  22. Axmed Cabdi Jaamac Doob
  23. Maxamed Cabdi Cali Dhoobeey
  24. Cabdiqani Shancad
  25. Maxamuud Cabdille Cabdi
  26. Cabdidaahir Faarax Bootaan
  27. Cabdirashiid Mursal Faarax Sanweyne
  28. Cabdullaahi Maxamed Cabdi
  29. Cabdulqaadir Xirsi Aw-Farax
  30. Cabdullaahi Maxamed Muuse Kadiido
  31. Xasan Maxamed Cabdi
  32. Shoombe Xasan Daad
  33. Cabdi Cali Xaashi
  34. Faarax Khaliif Xasan
  35. Cabdinaasir Xasan Warsame
  36. Cabdullaahi Xaaji Jaamac
  37. Cabdiraxmaan Aadan Dalab
  38. Axmed Yuusuf Shirwac
  39. Cabdiqani Wasame Surweelle
  40. Axmed Khaliif Faarax
  41. Shamuuke Maxamuud Diiriye

Cismaan qandala

Garoowe Allssc

Allssc@allssc.com

Like!
0
  • Like!
    0

Comments:

Leave A Comment

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>