Banaan Bax Balaadhan Oo Loogasoo Horjeedo Hadalkii Foosha Xumaa Ee Faroole Kasii Daayay Saxaafada Malintii Shalay Oo Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle (Daawo Sawirada).
Buuhoodle(Allssc): Waxaa Maanta magaalada buuhoodle kadhacay isu soo bax balaadha oo ay isu gu soo baxeen bulshaweynta kudhaqan magaalada buuhoodle sida culimo awdiinta waxgardaka ururada haweenka iyo madax katirsan maamulka khaatumo oo uu hormuud ka ahaa madaxweynaha maamulka khaatumo maxamed yuusuf jamac (indho sheel)
Isu soo baxan ayaa waxaa lagu canbaaraynayey hadal kasoo yeedhay C/raxman Faroole Oo uu ku sheegay in Jabhada SNM Iyo SSDF Aygalayaan Hishiis Ayna dhici Karto Haday Is afgartaan Hesiiskan Hoose Ee Aywada Leeyihiin inay meel kasoo wada jeesanayaan islana Go,ayaan Go,aana kaqaadanayaan dawlada faderaalka .
Hadalkan ayaa waxaa si kulul uga jawaabay Madaxweynaha Maamulka khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (indhasheel). Isaga oo sheegay Madaxweynuhu in uusan Faroole matalin Umada Kunool Deegaankaas Shacabka Reer Putlana Ay Yihiin dad Jecel midnimada somaliya .
Sidoo kale waxa uu Madxweynahu maah maah usoo qaatay Dameerku Markuu Ciyo dadku Shaydaanka Ayey Iska Naaraan Hadalka Faroolana Waxa Uu Udhigan Yahay Dameer Ciyey Waxaana Ugu Baaqayaa Shacabka Uu Usheeganayo Madxweynaha Inay SHaydaanka Kanaaartaan Dameerkaa Ciyey .e1`
Dhanka Kale Waxaa madasha Kahadlay Agaasimaha Wasaarada Arimha Gudaha Ee Maamulka Khaatumo Maxamud Sh Cumar Isaga Oo Guubaabiyey Shacabka Reer Putland Inay Iska Qabtaan Waxii Nabdgalyadooda Wax udhimaya
Allssc News Desk Buuhoodle
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=52322



































