Addis ababa: Ururka Midowga Africa Oo sheegay in al shabaab lagu jabiyey koonfurta somalia oo ay gabaad ka dhiganayaan somaliland iyo punland”

Ururka midowga Africa ayaa sheegay in al shabaab ay gabaad ka dhiganayaan somaliland iyo punland, kadib markii looga awood roonaaday dagaaladii ka dhacay koonfurta somalia,
Ergeygay midowga africa u qaabilsan somalia mahamet annadiff saleh ayaa sheegaay inay hayaan xog ku aadan in xubno  sar sare oo ka tiran al shabaab ay tageen meelo ka mid ah deegaanada somaliland iyo puntland si ay ugu dhuumaaleystaan,
“waxaa jira qaar shacabka ku milmay iyo kuwo u cararay dhulalka ay ka jiraan maamul goboleedyada,
waxay isku dayayaan inay weeraro dhuumaleysi ah ka qaadan” ayuu yiri mahamet annadiff saleh .wasiirka arrimaha gudaha somaliland ayaa sheegay inay ka war hayaan in xubno ka tirsan shabaab ay soo galeen bariga gobolka sanaag, sirdoonka reer galbeedka ayaa sheegay inay shabaab ku dhuumanayso somaliland iyo puntland ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda  ayaa  shabaabka sanadkii hore ka saaraay magaalooyin dhowr ah oo ay maamuli jireen

mukhtaar@allssc.com

 

Like!
0
muuse mukhtaar - mukhtaar muuse
muuse has written 785 awesome articles.

Comments:

Leave A Comment

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>