Xubno Ah Haweenka Gobolka Sool Ee Ururka”Daryeel Dalka Iyo Dadka” Oo Maanta Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Buuhoodle.(Sawiro+Warbixin)

Buuhoodle(Allssc)-Haweenka gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood, Oo galabta lagu soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Haweenkan oo ahaa xubno ka tirsan Ururka Daryeel Dadka Iyo Dalka, Yaa waxaa soodhaweyn balaadhan u fidiyey xubno ka mid yaguna Ururka Daryeel Dadka Iyo Dalka xaruntiisa magaalada Buuhoodle.

Xubnahan Haweenka ah ee ka tirsan Ururkan ayaa usoo kicitimey inay ka qeyb qaataan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Shir-weynaha Beesha”Jaamac Siyaad” ee ka dhacaya magaalada Dan-dan oo ka tirsan gobolka Sool.

Soo dhaweeynta Haweenkani kasoo kicitimey gobolka Sool ayaa u dhacdey si heer sare ah yadoo lagu soo dhaweeyay Sacab iyo Qoob-kaciyaar.

Soo dhaweyn balaadhan labadan wufuud ee Haweenka ahaa ayaa kulan balaadhan yeeshay oo ay kaga hadlayeen Hooyooyinkani dhibaatooyinka loo geeysto shacabka reer Khaatumo State, Yadoo Haweenkani ka soo kicitimey magaalada Laascaanood ay warbixiyeen dhibaatada haysata shacabka reer Sool.

Isku soo wadaduuboo kulankani laba geesoodka ahaa ee dhexmarey Hooyooyinka Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood iyo Hooyooyinka Gobolka Cayn gaar ahaan magaalada Buuhoodle yay kaga arinsadeen sidii ay qeyb lixaad leh uga qaadan lahaayeen Tacadibyada loo geeysanayo shacabkooda gaar ahaan qeybaha kala gedisan ee maatada maamulka Khaatumo State.

Yagoo sidoo kale eedeyn balaadhani Hooyooyinkani usoo jeediyeen maamulka SNM ee uu ka arimiyo Siilaanyo, Sidoo kalena baaq u direy bulshada caalamka iyo Dowlada Federalka Somalia inay insha ku hayaan xasuuqa loo geysanayo shacabka Sool,Sanaag Iyo Cayn ee maamulka Khaatumo State.

Gabagabadii xafladani lagu soo dhaweynayey Xubnahani ka tirsan Ururka Daryeel Dadka Iyo Dalka waaxdiisa magaalada Laascaanood, Oo ay soo dhaweynayeen Waaxda kale ee Ururkani ee magaalada Buuhoodle sida:- Hooyo Caasha Warsame Dirir,Hooyo Khadra Xasan Maxamuud iyo Hooyo Yurub Cagaweyne, Iyo xubnaha kale ee Ururkani yaa ku soo dhamaatey jawi aad u qurxoon iyo waliba Farxad iyo Reynreyn ka muuqaneysay Hooyooyinkani hogaaminayay Ururka Daryeel Dadka Iyo Dalka.

Hadaba Hoos Ka Daawo Sawiro Shabakada Allssc.com Ay Idiinka Soo Diyaarisey, Yadoo Video Ga Oo Dhameystirana Aan Idiinsoo Gudbin Doono.

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
Buuhoodle G/Cayn.

















Like!
0
  • Like!
    0
admin
admin has written 1161 awesome articles.

Comments:

Leave A Comment

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>