Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Ururka Midowga Ardayda Khaatumo Ee Uganda Oo Caleema Saartay Guddoon Cusub(Warbixin+Sawirro)

Xaflad ballaadhan oo ay soo agaasimeed ururka midowga ardayda khatumo ee wadanka uganda ayaa ka dhacday magaalada kamapala

xafladan ayaa ardaydu ku caleema saarayeen guddoon cusub oo ay yeeshan sanadkan

kulanka oo ahaa mid heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay Aqoon yahan,Ganacsato,Siyaasiyiin,Dahalinyaro iyo ardayda oo iyagu qaban  qaabada  lahaa.

Guddoomiyihii sanadkii hore ee ururka ardayada midowga khaatumo ee wadanka uganda(khaatumo students union in uganda) Fu’aad abdinuur ayaa ka sheekeeyey waxii u qabsoomay intii ay hayeen hogaanka ururka

waxaan qabanay oo muhiim noo ah inaan qaadnay tallaabooyin dhowr ah oo aan u suurtoobeen ardayda hadaanu ururkani jirin anagoo caawinay arday u baahatay in lala qabto baahiyo gaar u ah iyo kuwo guudba ayuu sheegay fa’aad abdi nuur

Waxaan kaloo qabanay inaanu dastuurkii ururka aanu dib u eegis ku samaynay qodaba ku jirana waafajinnay shareecada islaamka  inkastoo ururka la aasaasay 2009kii muu ahayn mid si fifrfircoon u shaqeeya haatana alle mahadii waa urur dhamaystiran ayuu hadalkii sii raacshay gudoomiyihii hore fu’aad abdinuur oo halkaas xilka ku wareejiyay

Waxaa kulankaas ka hadlay guddoomiyaha ganacsatada jaaliyada khaatumo ee wadanka uganda cali geelle oo ardayda ku booriyay in laban laabaan waxqabadkooda waxii aysan qabsan karin ay ganacsato ahaan la garab istaagayaan lana qaban doonaan

waxaa dadki halkaas ka hadlay ka mid ahaa gudoomiye xigeenka ganacsatada cabdirashiid faarax dheere,shiikh yaasiin ali daahir,abdullahi osman ismaaciil,ikraan yuusuf xirsi iyo guddoomiyaha dhalinyarada khaatumo ee wadanka uganda abdiqaadir jaamac kaarshe oo dhamaantood ardayda ku amaanay waxqabadkooda ballaadhan kulana taliyay inay sii laba jibbaaran waxqabadkan muuqda

Xildhibaan abdullahi dhooble oo ka tirsan baarlamaanka federal jamhuuriyadda soomaaliya kana soo jeeda maamulka khaatumo ayaa ardayda u sheegay inay hanti yihiin lagana doonayo inay markay wax  bartaan ku noqdaan wadankii si ay uga faa’ideeyaan shacabkooda waxtarka iyo waxbarashada uga baahan

kulanku intii uu socday ayaa shahaado sharafyo la gudoonsiiyay xubno loo arkay kuwii ugu waxqabadka wacnaa sanadkii tegay oo isugu jiray gudigii xilka kasii degayey,qabanqaabiyayaashii xaflada kuwo firfircoon,kuwo shaqo adag qabtay,iyo weliba waxaa xusid mudan in shakhsigii ugu aadaabta badnaa in loo gartay lana gudoonsiiyay gabadh ka mid ah ardayda khaatumo ee waxka barata waddanka uganda arintaasoo ay aad usoo dhoweeyeen dadweynihii xaflada goobjooga ka ahaa

Xildhibaan abdullahi dhooble Ayaa Xilkii Ukala Wareejiyay gudoomiyihii hore fu’aad abdinuur kuna wareejiyey guddoomiayaha cusub Abdiqani Cumar Cadde

Ugu danbeyntii waxaa xaflada ka hadlay guddoomiyaha cusub abdiqani cumar cadde waxa uuna tilmaamay inuusan odhanayn waxaasaan qabanayaa laakiin intii alle la garab qabto uu ku hagayo ururka horumar mooyee aanu dib udhac keenayn

Cabdiqani oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu soo magacaabayo guddi la shaqeeya oo waxtar leh hormuudna u noqon kara ardayda

Ardayda kasoo jeeda maamul goboleedka khaatumo ayaa ah arday ay ka muuqato isku duubni iyo wax wada qabsi waana arday firfircoon oo waxtar leh.

 

DAAWO SAWIRADA

Short URL: http://allssc.com/?p=49682

Posted by on Jan 1 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Recently Commented

Photo Gallery