Madaxweyne Maxamed Yuusuf Jaamac; Oo Tahniyad Sanadka Cusuba U Diraya Dhamaan Shacabka Reer Khaatumo State.(Dhageysi Haboon)
Buuhoodle(Allssc)-Madaxweyne Maxamed Yuusuf Jaamac”Indhosheel” Wuxuu Hambalyo aan lasoo koobi karin u dirayaa dhamaan umada reer Khaatumo State meel kasta oo ay Dunida daafaheeda kajoogaan.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale dar’daaran dhiiri galin iyo mideysnaan ah uu farayaa dhamaan shacabka reer Khaatumo State.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale guubaabo u diraya ciidamada xooga maamul goboleedk Khaatumo State, Oo dhawaan dhaq-dhaqaaqyo is xoreyneed ka muujiyey degmada Lafa-weyne,Yadoo sidoo kale uu madaxweynuhu Baaq nabadeed u direy beelo shaqaaqo dhex martey oo ka tirsan beelaha xukumadiisu talada u hayso.
Yadoo uu madaxweynuhu uu farey beelahaasi iyo gudida dhex-dhexaadka h ee ku dhex jirtaaba inay ka mida dhaliyaan guusha iyo mideysnaanta beelaha reer Khaatumo State.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa ka hadley baaq uu farayo maamulka SNM ee ka taliya magaalada Hargeisa,Yadoo uu madaxweynuhu farey guurtida iyo waxgaradka reer Hargeisa,Burco Iyo Berbera in ay kala baxaan wiilashooda deegaamada ay sida xaq-darada ah ugu sugan yihiin ee ka tirsan dhulka baaxada weyne ee maamulka goboleedka Khaatumo State.
Hadaba Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynah Oo Dhameystiran.
Halkan Ka Dhagayso
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
hiiradcali@hotmail.com
Buuhoodle G/Cayn
Short URL: http://allssc.com/?p=49727












