Madaxweyne; Maxamed Yuusuf Jaamac Halac”Indho-sheel” Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State,Oo Ka Hadlay Aqoonsiga Dowladda Soomaaliya Iyo Qodobo Kale Oo Xaasaasi Ah.(Dhageysi Haboon)

Buuhoodle(Allssc)-Madaxweynaha maamul goboleedka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel) oo la hadlayey warbaahinta ayaa ka hadlay aqoonsiga dowladda maraykanku ay aqoonsatay dowladda federaalka soomaaliya, isagoona madaxweynuhu ka dhawaajiyey inay si weyn u soo dhoweynayaan ka maamul ahaan arintaasi isla markaasna ay tahay guul u soo hoyatay qaranka soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel) oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay madaxda maamulka Somaliland inay taageeraan aqoonsiga dowladda maraykanku ay qaoonsatay dowladda Soomaaliya isla markaasna ay ka waantoobaan waa sida uu hadalka u dhigaye goonisu taaga geestoodana ay ka raacaan umadda soomaaliyeed.

Madaxweyne Indha sheel ayaa sidoo kale wax ka xusay safar isaga iyo madax kaleba ay ku kala bixiyeen deegaanada ka tirsan goboladda Sool, Sanaag, iyo Cayn, isagoona madaxweynuhu sheegay in safarkaasi ay wax badan uga qabsoomeen.

Mar aan wax ka weydiiyey madaxweynaha maamul goboleedka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel) in dagaalka ay jiraan Somaliland ay ku badalaan hadal kaas oo ku aadan ka bixitaanka ciidamada Somaliland deegaanada Khaatumo ayaa waxa uu yidhi sidatan” gar daraa lagu yimi deegaankan Khaatumo iyadoo aan Khaatumo dhisnayn…”

Ugu dambeyntii madaxweyne Indha sheel ayaa baaq u jeediyey madaxda soomaaliyeed iyo sidoo kale umadda soomaaliyeedba. Hadaba warbixin gaar ah oo aan ka diyaarinay arintaasi halkan hoose ka dhagayso.

Halkan Ka Dhagayso

Hadalkani kasoo yeedhay madaxweynaha Khaatumo ayaa kusoo beegmaya xili ay wali jiraan dagaalo u dhaxeeya maamulada Khaatumo iyo Somaliland kuwaas oo salka ku haya ka talinta deegaanada Sool, Sanaag, iyo Cayn.

Wariye Abdirahman Wadani
Buuhoodle G/Cayn.

Like!
0
  • Like!
    0
admin
admin has written 1161 awesome articles.

Comments:

Leave A Comment

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>