Madaxweynaha Maamul Goboleedka Khaatumo State Oo Maanta Kulan La Qaatay Qaar Kamida Qurba Joogta Kasoo Jeeda Gobolka Cayn(Sawiro+Warbixin)
Buuhoodle(Allssc)-Madaxweynaha Maamul goboleedka Khaatumo State Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel) ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta madaxtooyada Maamul goboleedka khaatumo ee Magaalada Buuhoodle qaar kamida qurba joogta kasoo jeeda gobolka cayn ee ku sugan Magaalada Buuhoodle, iyadoona kulankaasi mid lagaga wada hadlay arimo badan oo ay kamid yihiin qodobadan hoos ku qoran:-
- Is xog waraysi u dhaxeeya Maamulka Khaatumo iyo Qurba joogta maanta kulan la qaadatay Madaxweynaha Maamul goboleedka Khaatumo Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel).
- Talo soo jeedin.
- Baahinta Maamul goboleedka Khaatumo state iyo sidii laysaga kaashan lahaa.
- Tayeynta iyo dibu habaynta maamulka degmooyinka ee gobolka cayn.
- Ka qayb qaadashada wacyigelinta dadka gudaha jooga.
- Ka qayb qaadashada shir weynaha Khaatumo ee soo socda.
Hadaba halkan hoose ka daawo sawirada kulankaasi iyo sida uu u dhacayba.
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
hiiradcali@hotmail.com
Buuhoodle G/Cayn.
Halkan Ka Daawo Sawiro.
Short URL: http://allssc.com/?p=49764

















