Golaha Samatabixinta Puntland Oo Sheegay Inay Haystan Awood Ku Filan Inay Faroole bulshada Ka Qabtaan Iyo Golaha Oo sheegay In Ra’isal Wasaare Ceeb Ku Tahay In Faroole Niyada U Dhiso Kuna Booqdo Garoowe (Dhagayso Golaha Samatabixinta Puntland)
Garoowe(Allssc): Gollaha Samatabixinta Puntland ayaa ku hanjabay hadii lagu kalifo inay dagaal galaan inay u diyaarsanyihiin Ciidamo tababaran isla markaasina waxay xuseen Ciidamadoodu inay joogaan deegaano ka tirsan Gobolka Bari gaar ahaan Magaalada Boosaaso iyo deegaano kale oo ka tirsan Puntland.
Maxamed Cilmi Cabdalla Gudoomiyaha gudiga Samatabixinta Puntland oo Caawa oo Isniin ah 28-Janaayo-2013 Waraysi gaar ah siinayay Warbaahinta Qaar
ayaa sheegay Xukuumadda uu hormuudka u yahay Faroole inay fiirin wayday danaha Puntland, wuxuuna ku goodiyay dhawaan inay go’aan cad ka qaadan doonaan arinta Puntland.
Halkan Hoose Ka Dhagayso
Halkan Ka Dhagayso
Wuxuu sheegay Maxamed Cilmi Ciidamadda gollaha Samatabixinta Puntland inay ku suganyihiin deegaanada Puntland oo dhan isla markaasina ay kaliya fiirinayaan danaha Shacabka reer Puntland, wuxuuna intaasiraaciyay Ciidamadoodu inay awood u leeyihiin iska dhifaacidda culays walba oo kaga yimaada dhinaca Maamulka Faroole, isla markaasina wuxuu ku baaqay in sharciga la ilaaliyo hadii howshu sidaan ku socotana gacmaha la iskula tagi doono.
Maxamed Cilmi Cabdalla ayaa Dhanka kale ka digay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid inuu Arbacada soo gaaro deegaanadaPuntland wuxuuna xusay arintaasi inay Muraalka u toosinayso Xukuumadda Faroole oo uu sheegay Shircigii u yaalay Puntland inay ku tumatay.
“Ra’iisul Wasaare Wadanku waa kala qayb sanyahay Puntland waa kala qaybsantahay Dimuquradiyadna kama jirto marka ceebay kugu tahay adigoo qarankii Soomaaliyed Matalaya meel aysan dimuwuraadiyad ka jirin oo saxaafadii xor ahayn inaad wafdi ku timaadid arintaasi wa arin Ceeb ah” Ayuu yiri Gudoomiyaha gudiga Samatabixinta Puntland oo la hadlayay Saadaal Media isgaoo ku sugan Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Cismaan Qandala Allssc Garoowe Somalia
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=52070













waar ninkaagaan sheeganaya magac uusan lahayn maad dadka kala fariisatid habaarka iyo been sheega aad kula dhex wareegayso adiga iyo mid kula mid ahna waxba ka qaadi maayo Puntland iyo madaxwayneheeda waa in aad ula ficiltantaa nimanka IIdoor oo dhulkaagaagii kaa dhacay inta aad ku war wareegayso madaxda Puntland tan kale marka aad leedahay waa ceeb in niyada loo dhiso Xurmadle Madadax sare Sheekh Cabdriahman Faroole adeer aan ku abree waa ninka ugua awood iyo karti badan Geeska Africa waxaana kuu daleel ah madaxdu in ay dhulkiisa ama Qasrigiisa ugu soo booqanayaan adna waxaad ka hadlaysaa niyada yaan loo dhisin lana soco Faroole Madaxda qaranka oo dhan isga ayaa loogu imaanaya ka awood badan. sheeka ciyaalka aad ku sheekaynayso waa tii iidoorku ku shaqaysan jiray ha sheegan dadka magaalooyinkiisa ee ku hadal magacaaga waana iga talo. adiga iyo kuwa aad mucaaradka ku sheegayso waa dameer iyo doc ka yeerba daankaa ayaa laydin ku dhufananayaa.
ahmed
aDEER MIYAAD FALAN TAHAY?
WAXA MEESHA LAGU SOO QORAY WAA HADALKII UU JEEDIYEY NINKA REER PUTLAND EE HALKAA SAWIRKIISU KA MUUQDO!.
MISE DADKA KALE EE SSC BAAD KU QARWAYSAA OO WAX KALE MAQLI MAYSID ARKINA MAYSID???.
ADIGU HADAAD FAROOLE HOR ORDAYSO, DEE KUWAA KALE EE REER PUTLAND AH LA QABSO OO ISKA CELI, MAXAA IIDOOR KAA GALAY?.
MISKIIN BAAD TAHAY