Xaflad Ay Caawa Fiidnimadii Iskugu Yimaadeen Dhamaan Bahda Saxaafada Gobolka Cayn, Oo Ka Dhacdey” Cabdi Gurey Plaza Hotel” Xafladani Oo Lagaga Hadley Doorka Saxaafadu Kaga Jirto Deegaankani.(Sawiro+Warbixin)

Buuhoodle(Allssc)- Xaflad caawa ka dhacdey Cabdigurey Plaza Hotel, Oo ay iskugu yimaadeen dhamaan bahda saxaafada gobolka Cayn, Yadoo Xafladani ahayd tii ugu horeysay ee ay iskugu yimaadeen bahda saxaafada gobolka Cayn.

Xafladan casho-sharafta ah oo uu soo qaban qaabiyey Ingr,Axmed Cabdi Gurey oo ah mulkiilaha Cabdigurey Plaza Hotel, Isla markaasna looga hadlayay doorka ay saxaafadu ku leedahay deegaanada Sool,Sanaag Iyo Cayn Ee maamulka goboleedka Khaatumo State Of Somalia.

Xafladan ayaa ahayd mid lagaga hadley qodobo aad u mihiima oo ay bahda saxaafada gobolka Cayn iyo masuulka Cabdigurey Plaza Hotel ay kaga wada hadleen, Yadoo Ingr, Axmed Cabdigurey sheegay in saxaafadu tahay tan kaliya ee horumarka bulshadeeda kor u qaada.

Sidoo kale xafladani ayaa ahayd mid looga hadley sidii looga shaqeyn lahaa horumarinta deegaanka iyo midnimada umada ku dhaqan deegaankani sidii sare loogu qaadi lahaa, Isla markaana ay bahda saxaafada gobolka Cayn doorkooda uga qeyb qaadan lahaayeen.

Dhanka kale bahda saxaafada gobolka Cayn,Oo ahayd yagu kuwo markaasi iskugu wada yimid Xafladani balaadhan ee uu soo qaban qaabiyey masuulkani”Axmed Cabdigurey” ayaa laysla gartey sidii loo weyneyn lahaa sharafka bulshada ku dhaqan deegaankani iyo sidoo kale maalinta xuska mudan ee inagu soo foodleh, Ee Sanad guuradii 1aad ee maamul goboleedka Khaatumo State Of Somalia iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa wixii sharaf u ah bulshada ku dhaqan deegaankani.

Hadaba masuuliyiintan iskugu timid Xafladani ka dhacdey”Cabdigurey Plaza Hotel” ayaa waxaa ka mid ahaa masuuliyiin aad u fara badan oo ka wada mid ah bahda Saxaafada gobolka Cayn, Iyo Masuuliyiin kaleba.

Your ads will be inserted here by

Easy AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Waxaana ka mida ahaa bahda saxaafada gobolka Cayn,Ee caawa iskugu timid Xafladani kuwa liskoodu u qoran yahay sida tan:-

1.Wariye Rashiid Kayse Cawil”Shabakada ¬†Allssc.com/Codka shacabka Khaatumo State”
2.Wariye Xamse Xasan Geele”BoocameOnline”
3.Wariye Cabdicasiis Aadan Jaamac”Radiossc Codka Shacabka”
4.Wariye Cali Cismaan Yuusuf”SomalichannelTv”
5.Wariye Axmed Geeljire”Editor¬†SomalichannelTv Buuhoodle”
6. Wariye Malyuun Axmed Xasan”SomalisatTv”
7.Wariye Khadar Cawil Ismaaciil” Radio Daljir”
8.Wariye Maxamed Cali Bile”Marqaannews.com”
9.Wariye Cabdiraxman Jaamac Xaashi”Horufadhi.com”
10.Wariye Axmed Maxamed Nadiif”RoyalTv/Radiodaljir”

Isku soo wada duuboo Xafladani ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey, Yadoo ay iskugu yimaadeen dhamaan bahda saxaafada gobolka Cayn ee maamulka goboleedka Khaatumo State, Yadoo kulanka xafladani lagaga wada hadley qodo aad iyo aad u qiimo badan,Oo ay ka mid tahay sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta deegaanka,dhaq dhaqaayada maamulka Khaatumo State iyo qodobo kale oo xaasaasi ah.

Gabagabadiina xafladani ayaa kusoo dhamaatey jawi aad u farxad badan oo qeyb sadeen dhamaan bahda saxaafada gobolka Cayn, Yadoo ay xafladani ahayd tii ugu horeysay oo ay iskugu yimaadaan dhamaan bahda saxaafada gobolka Cayn, Isla markaasna ay isla qaataan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen doorkooda,Yadoo ay ahaayeen horeyba kuwo ku caan baxay kor u qaadista bilicda,sharafka,horumarka iyo inay soo gudbiyaan dhamaan marxaladaha kala gadesan ee Deegaankani.

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
hiiradcali@hotmail.com
Buuhoodle G/Cayn.


















 

Like!
0
  • Like!
    0
admin
admin has written 1161 awesome articles.

Comments:

Leave A Comment

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>