Shir-Maanta Ka Dhacay Hallka”Jaamacada Bariga Afrika Ee Magaalada Buuhoodle” Iyo Qurbo-joog Kormeer Indho-indheyn Ah Kusoo Gaadhey Jaamacadani.(Sawiro+Warbixin)

Buuhoodle(Allssc)-Shir-balaadhan oo ay iskugu yimaadeen qurbo-joog kasoo jeeda gobolka Cayn,Culimaa’udiin iyo maamulka”Jaamacada Bariga Afrika Ee Magaalada Buuhoodle” oo maanta galinkii danbe ka dhacay hall ka shirarka ee”Jaamacada Bariga Afrika Ee Magaalada Buuhoodle”.

Shir-kani oo ahaa mid ay qurbo-joogtani ku indho-indheeynayeen habsami socodka”Jaamacada Bariga Afrika Ee Magaalada Buuhoodle” iyo sidii loo horumarin lahaa tayada waxbarasho ee caasimada gobolka Cayn.

Shir-kani ayaa ahaa mid ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin badan oo ku dhaqan gudaha magaalada Buuhoodle, Yadoo ay halkaasi kasoo jeediyeen qudbado aad u qiimo badan.

Ugu horeyna waxaa madashaasi kasoo qudbad aad u qiimo badan kasoo jeediyey Gudoomyaha; ”Jaamacada Bariga Afrika Ee Magaalada Buuhoodle” Dr. Cabdishaafi Axmed Cali,Oo ku dheeraadey warbixinta jaamacadani iyo sidii ay ugu soo samreen inay ka aas aasaan caasimada gobolka Cayn ee magaalada Buuhoodle Jaamacad kaafisa dhalinta wax ku barata gudaha magaalada Buuhoodle,

Sidoo kale Gudoomaha Jaamacadani Dr.Cabdishaafi Axmed Cali, Ayaa usoo jeediyey Qurbo-joogtani in uu jiro Dhisme Qabyo ka ah Jaamacadani, Yadoo uu Gudoomiyuhu sheegay guriga ay hada Jaamacadu degan tahay in uu yahay mid mudo kooban loogu tabaruucay,Balse uu qabyo yahay dhismihii jaamacadani loogu tala galay,Isla markaana farey in ay qurbo-joogtu doorkooda ka qeyb qaataan horumarinta Waxbarasho ee deegaankoodan, Ayna ka saacidaan inay maamulka Jaamacada la dhameystiraan Dhismahani Qabyada ka Jaamacada.

Dhanka kale qurbo-joogtani yagu kasoo jeeda gobolka Cayn, Ayaa ugu horeyn aad ugu mahadceliyey maamulka Jaamacadani Bariga Afrika Ee Magaalada Buuhoodle” Dr.Cabdishaafi Axmed Cali”, Yadoo sidoo kale ay qurbo-joogtani baaq u direen dhamaan shacabka reer Khaatumo State  Of Somalia ee ku dhaqan wadan dibadiisa iyo dhamaan intii wax haysataaba inay kaalintooda kasoo baxaan ayna taageeraan masuuliyiintan yagu aas aasey jaamacadani, Sida ugu dhaqsaha badana loo baahan yahay in la dhameystiro dhismahani qabyad ka ah Jaamacada.

Hadaba shir-weynahani ay qurbo-joogtani la yeelatey maamulka”Jaamacada Bariga Afrika Ee Magaalada Buuhoodle” Ayey gabagabadii shirkani ay u wada kicitimeen dhismaha qabyada ka ah jaamacadani,Yadoo ay markaasi qiimeeyeen kharashka ka dhiman ee lagu dhameystiri karo Dhismahani.

Isku soo wada duuboo,Maaha markii ugu horeysay oo qurbo-joogta u dhalatey gobolka Cayn ay booqasho indho-indheeyn ah ay ku yimaadaan”Jaamacada Bariga Afrika Ee Magaalada Buuhoodle” Yadoo balse ay jirto in aysan wali wax qurbo-jooga ah oo kasoo jeeda gobolada Sool,Sanaag Iyo Cayn aysan wali ka qeyb qaadan Taakuleynta Jaamacadani.

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
hiiradcali@hotmail.com
Buuhoodle G/Cayn.











Like!
0
admin
admin has written 1159 awesome articles.

Comments:

Leave A Comment

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>