Reer Khaatumo Barta Khatarta War-baahinta Leedahay!
Reer Khaatumo waa inay Fahmaan Khatarta ay leedahay, wax walba ey war-baahinta ka sheegaan!
Runtu, waa wax aad laga xumaado, in reer Khaatumo qaybaha Bulshadu ka kooban tahay, haddey tahay Shacabweynaha,
Maamulka, Madax-dhaqanka, Aqoonyahanada iyo Wax-garadka kale ee caadeystey in aan waxba loo aabe yeelin oo ku baahiyaann ama kaga hadlaan War-baahinta. Wararka oo aan loo deyin inta u baahan in la sheego iyo inta ka reeban War-baahinta.
War-baahinta, waa Aalad Casriya aad u xoog badan oo laba afley ah. Loo adeegsado u jaheynta Bulshada dhinaca baraarujinta wacyi gelinta iyo Gorumarinta Degaanada, loogana faa’iidaysto dhinac fiican ee anfacda leh.
Haddiise loo adeegsado dhinaca xun, waa hub dilaa ah, sababi kara burbur iyo dar-xumo. Bulshadana u horseedi kara dibu-dhac iyo bur-bur siyaasadeed.
Anoon ku dheeraanayn mowduucan, bal aan u jeediyo wacyi gelintan qaybaha kala duwan ee reer Khaatumo khatarta ama dhibka war-baahin keeni karto
marka loo adeegsado Isgaarsiin ahaan, xagga arimaha u khaaska ah ee u dahsoon reer Khaatumo. Anoo tusaale usoo qaadaniyo laba maqaal oo Weebabka laga akhriyey oo maqal iyo muuqaal ahaa , aan ku haboonayn in war-baahinta laga sii daayo. Bal waa kuwane, ila eega:-
Tan kowaad, waa Shirki jaraa’id ay Ciidamada Buuhoodle jeediyeen iyagoo ku suggan xeryohooda todobaadkii ina dhaafay. Taaso fajiciso ku noqday reer Khaatumo, dhamaan Debed iyo Gudoba. Wexey ahayd, arin aan laga fiirsan, weliba aan laga filaynin iney web-site ka muuqdo. Markaanu daba galay, arintaaso ula kac iyo dabar-jebin lagu curyaaminayo Maamulka Khaatumo state ,
(Shirqool ey soo maleegeyn Maamulada Daafaha). Saraakiishii ciidamada ee shirka jaraaidkaas ka hadasheyna, marna cudurdaar la gareysto u heli maayan Sir Ciidan oo War-baahin laga jeediyey.
Raggan, Beelaha ka dhex kaluumeysta oo xumaatada iyo isku dhaca ka shaqeeya. Waxa haboon, haddey wax tabaniyaan inay tolkood hor fadhiistaan oo sheegta, Haddi kale, joojiyan jaa-ifada ey ka geliyaan Tolkood, Sida Madaxwaynaha, Isimada iyo Wax-garadka reerka. Waa in ey sheegtan waxay tabanayaan (Dooni laba nakhuuda leh, meel ma gaadho. Media lagu ordo waxba ma siyaadiyo. Cududaada uun bey kala dhan-taasha).
Waxaad moodaa, Ragga qaarkood inay si xun oo tolnimada iyo ehelnimadaba ka baxsan u hadlayeen, Waxaanu Saraakiisha leenahay, dagaalka aad u keliyeysaaten meel ku gaadhi meysid.
Khaatumo, waa idin-la wadagna. Wiil iyo Gabadh reerka ah, kaalinta mug leh buu kaga qayb galay halganka, mid ku dhintay (Alla ha u naxariisto, Waa Halgame Shihiidey) mid ku dhaawacmey, mid ku naafobey, mid kharash kaga qayb galay, mid Qalin iyo dedaal wacyi-gelin Debed iyo Gudehba kaga qayb galay iwm,
Xigtooy, tolka haka abaal dhicina, xasaasiyad kala fogaansho iyo is necbaysi haka abuurina Tolka dhaxdiis. Waxa la idinka sugaynaa intaa aad heysan iyo ka badan. Maanta; Beeshu ka-wayn, kana dhul-ballaadhan in Buuhoodle qaado. Ka digtoonaada, waxay daan hubsan in aad war-baahinta ka sheegtaan!
Tan labaad, waa Shirkii Guuleed Garaad (Barkad) ee War-murtiyeed laga soo baahiyey media. War-murtiyeedkaas oo war-baahinta loo qaybiyay, Waxaanu u aragnaa, inuu ahaa mid aan haba yaraatee Ku habooneyn ama aan u qalmin detail-ka ku yaaley. Maadaama, qodobada inteeda badani ku saabsanaa khilaafka xasaasi ah u dhexeeya laba Beelood oo walaalo ah. Kuma haboona, in Yam-yam iyo Qadaadweyn ogaadan (In detail) tenseion-ka ka taagan Beelahaas. Waxa Habooneyd, in dacwad ahaan la gaarsiiyo reerka wax laga tirsaniyo, iyadoo loo mariyo habkii dhaqanku ahaa (loo diro Ergoo ka socota reerka ama Odayada Dhaqmeyd Khaatumo ama Maamulka iyo Wax-garadka Beesha), sida la sheegey, Odeyaal baa sugnaa madasha Shirka. sida ku dalbeen qoraalka, in reer Khaatumo soo fara geliso arintan.
Tolweynaha reer Khaatumo, filan waa bey ku noqotey Go’aankaas media laga Guud ahaan, degeystey. Marna ma haboonayn in war-baahinta laga maqlo qodobada nocaas ah.
Labadan tusaale, waa dhacdooyinkii ugu dambeeyay. Nasiib darro, wax aan laaqi ku aheyn baa war-baahinta loo gudbiyey. Waana aafo mar walbana dhacda pp wada saamaysay beesha Khaatumo. Siro badan aan loo bahneyn in cid walba ogaato oo kusaabsan shuunta beesha baa maalin walba daboolka laga qaado.
Waxaan ku boorinayaa Bulshaweynta Khaatumo iyo Wax-garadkeeda, inay xil iska saaraan oo xafidaan oo xakameeyan arimaha u gaarka ah. Kana waantooban, wax yaaba aan munaasabka aheyn ee loo gudbinaayo war-baahinta.
Waxa kaloo soo jeedin iga ah. Wax allaale, wixi dhimaal ah ama dhaawac u geysanaaya Sumcadda, midnimada iyo isku xidhnaanta Beesha Khaatumo, hadey tahay qoraal, muuqal ama cod, waa in laga ilaaliya media koleey ku tahay mid sokeeye ama tu shisheeye ah. Tel-conference-yaasha na la xadidaa, . had iyo jeer ay ceebo uun badani ka soo korda.
Wabillaahi atowfiiq
almutawaadic@yahoo.com
mukhtaar@allssc.com
//
Short URL: http://allssc.com/?p=49126












