Madaxweyne Sh Shariif ma la tabay mise anaa mooday?

Buuhoodle(Allssc)-Tan iyo markii talada lagala wareegay madaxweynihii hore ee soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed, dadka soomaalida ah oo aad ugu mashquuli jiray arrimaha siyaasadda ayaa la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen waqtiyadii dambe. Waxaa haawanaya meelihii fadhi ku dirirada, waxaa yaraaday kaftanadii la isku tuur-tuuri jiray, faankii iyo anay taladu iga go’daa dhagaheygu ma maqal. Su’aasha keliya ee la is-weydiinayo ayaa ah qoladii fadhiidka aheyd ka warrama?

Kama wado in Sh Shariif dadku jeclaayeen, laakiin tallaabo walba oo uu qaado shariifku sheekay dhalineysay!. Mid amaana, mid ka hor-yimaada iyo mid caaya ayay dadku u qeybsanaayeen. Waxaan markaa is-weydiiyay waxa dadkani ka heli jireen waqtigii shariifka ee ay hadda waayeen.

Maskaxdeyda ayaan isla markiiba dib uga shaqeesiiyay, waxaana ii soo baxay waxyaabo badan oo qaar ka mid ah aan halkan ku soo tixi doono, dabadeed waxaan u garaabay dadkii sheekooyinka Shariif-ka sida tooska ah ugu taxnaa …waxaana kamid ahaa…..

Sh Shariif markii uu xukunka la wareegayay ka sokoow xubnihii tirada badnaa ee uu golaha baarlamaanka ku soo darsaday, waxaa barbar socotay oo iyadana xiisaheeda laheyd isaga oo koox ay awal isku jaal ahaayeen isku dhinacna xabbad u ridayeen uu dagaal kala hor yimid.

Waqtigaa qof weliba oo xaalka soomaaliya la socday meel uu wax u qaado ayuu waayay, arrintaana waxay dhalisay sheekooyin xiiso badnaa oo  aan la filayn in waqtiyadan nasoo mari doonaan, waana tan keentay in mar dambe soomaalida qaar ka sameeyaan warbixin ay ugu magac dreen Sh Shariif Shalay & Maanta.

Dooda 275-ta xildhibaan ee golaha baarlamaanka ee uu Sh Shariif la yimid ama laga siiyay kuraasta baarlamaanka waxay aheyd sheeko kale oo xiisaheeda wadatay loo qaadan waa ayayna aheyd waqtigaa, waxaan waqtiyadaa arki jiray dadka oo kacaa-fariista, wixii laga doodaba dadku markii dambe waa iska qanceen.

Magacaabistii golihii wasiirada Sh Shariif ayaa xigtay, sidoo kale shakhsiyaad kale oo Shaiifka la jaal ahaa ay wasiiro noqdeen, xabaddana dhinaca shariifka ka soo ridayay, xiisahii kooxaha islaamiyiinta ayaa cirka isku shareertay, illaa qaar badan oo kooxda Sh Shariif ka mid ah naftoodii ku waayeen magacyadii ay labaxeen ee wasiir hebel & wasiir hebel.

Xiisaha sheekooyinka Wasiiradii Sh Shariif intaa kuma ekeyn ee waxaa iyana xiiso gooni ah lahaa mid ka mid wasiiradiisa. Waa wasiir aan sheekadiisu sahlaneyn waqti badanna dadku hadal hayeen. Wasiirkan oo magacyo badan loogu bixiyay qaabka xirfadeysan ee uu u dhex mushaaxi jiray wasiiradii berigaa jiray isagoo hayay wasaaradda ugu muhiimsaneyd ee Maaliyadda. Waxaana xiisaha gaarka ah aheyd isagoo inta kooxahan isku maqnaayeen, dhaqaale faro badan ka dhex sameeyay.

Kaaga sii darane wuxuu markii loo soo jeestay in cuno-qabateyn lagu soo rogo, uu qaab xeeladeysan dusha uga yimid kuwii u tashaday. Iska daa in wax laga qaadee, waxay fursan weysay  in wixii uu doono loo sameeyo sidii dhacday codsigiisii ahaa in raisal-wasaare Farmaajo la badalo. Inta howlahani oo dhan socdeen falanqeyntooda looma kala harin oo dadku waa mashquulsanaayeen.

Isku badalkii labada ra’isal-wasaare ee Sharmaarke & Farmaajo ama Farmaajo & Gaas waxay sidoo kale ahaayeen sheekooyin kale oo xiiso gooni ah lahaa, waxaana xiisaha u yeelayay qaabka qabaliga ah ee Soomaalidu ku dhaqanto ee boos isku badalka loo yaqaanno.  Fikradda ah “reer hebel hadday kugu xumaadaan ama kaa hor yimaado reer hebel ku badal” ayaa aad u socotay.

Your ads will be inserted here by

Easy AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Farah Warsame

Dhismihii dowladdii  Farmaajo & dhaqdhaqaaqii ay Muqdisho ka bilowday iyadoo warbaahintuna kaabeyso waxay lahaayeen xiiso kale, illaa laga soo gaaro qaabkii booska looga qaaday ra’isalwasaare Farmaajo, markaa oo sheekadu meel sare gaartay, fadhiyadana loo badsaday.

Si kasta oo xaal ahaa waxaa booskii Farmaajo soo buuxiyay Gaas  oo dabkii markaa baxayay gaas ku sii shubay. Road-map, Kampalla Accord, Garowe Principles, London Conference, arrimihii dastuurka iyo odayadii guryahooda laga soo kaxeeyay waxay ahaayeen sheekooyin waaweyn oo xiiso lahaa waqti badanna fadhiyada lagu badsan jiray.

Xiisaha sheekooyinkii Sh Shariif waqtigiisa jiray qoraal kuma soo koobi karno, waxaa sidoo kale kamid ahaa safaradii dibedda ee aan kala joogsiga laheyn, safiiro badalkii, dhaqaalihii muranka dhaliyay, heshiiskii Badda iyo Dhulka ee muranka dhaliyay, iibsigii viso-oyinka, lunsashadii malaayiinta doolar, iska hor-imaadyadii isaga & Sharmaarke, isaga & C/weli, isaga iyo Faroole iyo kuwo kale oo badan.

Sheekooyinkaas, doodahaas & falanqeyntuba waa socdeen llaa ugu dambeyntii Sh Shariif shan farood & calaacal  booska looga qaaday isaga & saaxiibkiisii ay jidka dheer isla soo mareen ee Shariif Xasan Sh Aadan. Inkastoo doorasho ku sheegeen in looga qaaday, haddana cid walba waa ka dharagsaneyd waxa meesha ka socday, taas oo qorshu ahaa sidii labadaa oday (waa shariif-yadee) meesha looga qaadi lahaa. Laakiin dadkii sidii la ogaa jiif & joogba u diiday taageeridda in mar ay arkaan Shariifyada oo siyaasadda ka maqan, waxaa la waayay meel ay jaan & cirib dhigeen waqtigan la joogo.

Waan ogahay oo farxad kuma maqna, arrimo kalena kuma mashquulsanee waxay u badan tahay in ay arkeen wax aysan fileyn. Qaar ka mid ah oo aan weydiiyay waxa loo waayay, wax jawaab ima siin. Waxaa hubaal ah in dadkii hadalka badnaa ay hadalkii yareeyeen, fadhiyadii badnaa lagu kala kacay, wax la iska wareysto la waayay, xitaa in dowlad soomaaliyeed dhisan tahay shaki ayay kaa galinayaan. Qaar baan arkay iyagoo xisbiyada Somali-land tirinaya dushana ka akhrinaya, malaha wax u dhaama oo ay ka sheekeeyaan ayay waayeen.

Waxay filayeen in dowlad carcarteeda qabta meesha iman doonto,heshiisyo waaweyn geli doonta, dhaqaale badan sameyn doonta, dhaqdhaqaaq & wax-qabad la iman doonta, sheekadii xiisaha badneyd ee siyaasadda soomaalida halkeedii uga sii socon doonto.

Niyad-jabkii ugu horreeyay waxay qaadeen markii madaxweynaha ku qaadatay 30 casho ku dhowaad in uu ra’isalwasaare ku magacaabo. Waxaa ugu sii biiray magacaabistii wasiirada oo intii oo kale qaadatay, nooca wasiirada ee la magacaabay iyo dowladdii oo ka dhammaan weysay arrimo hoose oo aan agaasime ka badneyn, sida dhuxusha Kismaayo taalla, burcad-badeedda Puntland & Somali-land ku xiran iwm. Caajiskii ugu weynaana wuxuu koray markii dowladdii dhammeyd ee la yiri RASMI baad tihiin meel ay wax u dhaqaajiso weyday.

Ma garanayo waxay yeeli doonaan markay maqlaan wasiiro ku-xigeeno 20 ah ayaa la soo wadaa ee ay wasiiradii kasareeyay 10-ka yihiin, ma qosli doonaan? Ma qeylin doonaan lama oga!. Waxayse u muuqataa in sidaas uu nalka uga sii dansanaan doono 4-ta sano ee soo socota, haddiiba dowladdani sii jirto. Inkatsoo qaarkood aan ka maqlayay iyagoo leh “kuwan (waa dowladdee) afar sano oo dambe lama sugi karo”, mase fahmin waxay ula jeedeen.

waxaanse ku soo gabaynayaa waa muuqataa in dowladdii Sh Shariif la tabay, laakiin la arki doone haddii xiisahaasi wax iska badalaan waqtiyada soo socda….

Farah Warsame
Mellbourne Australia
Bile1971@hotmail.com

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
hiiradcali@hotmail.com
Buuhoodle G/Cayn.

Like!
0
  • Like!
    0
admin
admin has written 1161 awesome articles.

Comments:

Leave A Comment

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>