Kulan Maanta Dhex Marey, Guurtida”Beesha Guuleed Garaad” Oo Uu Hor Kacayo’Garaad Abshir Salaax’ Iyo Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State”Maxamed Yuusuf Jaamac”

Buuhoodle(Allssc)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia”Madaxweyne Maxamed Yuusuf Jaamac ”Indhosheel” Iyo Wasiirka Iskaashiga Iyo Xidhiidhka Caalamiga Ah ee maamulka Khaatumo State, Prof- Xuseen Saleebaan Xaaji Axmed, Ayaa kulan la yeeshay Guurtida,Waxgaradka,Cuqaasha,Isimadka Beesha ‘Guleed Garaad’ ”Garaad Abshir Garaad Salaax”.

Kulankan ayaa ka dhacay madaxtooyada maamulka Khaatumo State Of Somalia, Yadoo kulankan lagaga hadley arimo badan oo ah sidii ay guurtida iyo waxgaradka beesha’Guleed Garaad” ay ula shaqeyn lahaayeen maamul goboleedka Khaatumo State.

Sidoo kale kulankan ay Wasiirka Iskaashiga Iyo Xidhiidhka Caaliga ah ee maamulka Khaatumo State”prof- Xuseen SaleebaanXaaji Axmed” Iyo Madaxweynaha maamul goboleedka Khaatumo State ay la yeesheen Guurtida beesha”Guleed Garaad” Oo markaasi horkacay garaadka beesha”Garaad Abshir Garaad Salaax” ay kaga wada hadleen kulankan, Sidii yaga iyo shacabka ku dhaqan degmada Widh-widh ay ula shaqeyn lahaayeen maamulka Khaatumo State.

Sidoo kale kulankan ayaa laysla qaatey sidii loo gaadhsiin lahaa maamulka iyo wada shaqeynta deegaano badan oo hoos taga degmada Widh-Widh,Oo ay ka mid yihiin deegaanka Bali-hadhac,Bali-cad,Ban-yaal,Geed-dheer, Iyo Tuulooyin badan oo ka mida deegaanadaasi.

Sidoo kale kulankan ayaa lagaga wada hadley xaalado yadu mudoba ka taagneyd deegaanka Caro-weyn, Yadoo sidoo kale xaalada deegaankaasi uu madaxweyne Maxamed Yuusuf Jaamac”Indhosheel”  uu farey guurtidan in xaaladaasi lagu soo dabaqo Nabad.

Isku soo wada duuboo kulankani ka dhacay Madaxtooyada maamulka Khaatumo State Ee Magaalada Buuhoodle, Ayaa kusoo gabagaboobey is afgarad balaadhan oo dhex mara Guurtida beesha’Guleed Garaad’ iyo maamul Khaatumo State Of Somalia.

Ugu danbeyntiina kulankani ayaa kusoo gabagaboobay jawi aad u qurux badan iyo Farxad, Yadoo labada dhinacba ay isla garteen sidii looga shaqeyn lahaa Xasiloonida Iyo ka wada shaqeynta horumarinta deegaanka iyo bulshada reer Khaatumo State.

Hadaba Hoos Ka Daawo Sawiro Qeyb Ka Ah,Kulankani Ka Dhacay Madaxtooyada Maamulka Khaatumo State Of Somalia Ee Magaalada Buuhoodle,Oo Ay Idiin Soo Diyaarisey Shabakada Wararka Ee Allssc.com.

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
hiiradcali@hotmail.com
Buuhoodle G/Cayn.


Like!
0
admin
admin has written 1159 awesome articles.

Comments:

Leave A Comment

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>