Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Gabayo Cusub;- Abwaan” Yuusuf Xasan Ismaaciil” Oo Tiriyey Gabayo Cusub Oo Uu Kaga Hadlayo Waxa Ka Jira Labada Gobol Ee Sool Iyo Cayn.(Akhriso)

Buuhoodle(Allssc)-Marka laga hadlayo Taariikhda waxaa la xusaa wax badan oo adduunka kadhacay kuwaas oo wanaag iyo khayrba ku jiro sidaas darteed waxaa laga yaabaa in xuskaa Taariikheed uu markaa noqdo Magaalo,Wadan,Qof,Ummad, amaba wax kale kale sida Deegaan barwaaqadiisa laga sheekaynayo haddaba haddeer waxaan doonayaa inaan sicad uga hadlo Magaalada Buuhoodle oo ah magaalo siwayn looga yaqaano dalkeena Soomaaliya waxaana rabaa bal inaan Gabay waxaan kaga faaloon karo kaga hadlo waayihii ay soomartay iyo waliba waxay gasho iyo waxay gudo sidoo kale inay leedahay hilow qofkii bari bartaana ku tabanbaabo ,gabaygan waxaa tiriyey Yuusuf Xasan Ismaaciil oo ku dhashay kuna barbaaray Magaaladaas Buuhoolde wuxuuna yidhi.

1.       Saban baxay sanaawaad jiriyo saadda iyo maanta

2.       Saq saqlaha ordaayaa kaltiro saani kuu qoriye

3.       Sedrigaagu wuxuu kuu dhigaa sooyalkii dhacaye

4.       Si hadduusan kaa noqon caqligu seerkastaad garane

5.       Saacanna midbaan sheegayaa saan qoylaa garan.

6.       Buuhoodle soonkay tihiyo sabada meerkeeda

7.       Suxufiyo abwaanaa ka kaca uu sedkeed yahaye

8.       Sinnaantaa ilaahay agdhigay saatir uu baraye

9.       Ruuxii socdaal ugu maraan sina u duufayne

10.   Sabigiyo dhallaankaa ku baran sadarka diimeede

11.   Duunyada ka sooftaa nimcadda saadna loo dhigane

12.   Sanaatida ashcaartaa nafluhu saakadii wadiye

13.   Sababaha in lagu sii samara saamax loo yahaye

14.   Sadaqada waxaa loo baxshaa suu ilaah yidhiye

15.   Sayn caddaa ku waanshaa balada seesna kuu noqone

16.   Saaxiib ku dooraa ku siman sooryo kuu qaliye

17.   Intaasoo sag saag aan caraway sadar maqaadsiiyey .

18.   Sallow dhaca haddii uu dad xuni siriq lasoo maago

19.   Sumac iyo rasaasbaa la kici soomal haad badiye

20.   Saf saf waxay u qaadaa kuwii suurmayee go,iye

21.   Salal baa bilaadkooda tagi oohin soo qubane

22.   Sakaraadku wuxuu diiqgashaa kaan sidkii bixine

23.   Maskaxdaa siwayn looga lumin kaan sahii marine

24.   Sicadbaa cadaawuhu u tuban uu salaan bixine

25.   Sasabada waxaan lagu tisayn duul sanraac wado,e

26.   Intaasoo sag saag aan karaway sadar maqaadsiiyey.

27.   Sayidkii suweyn iyo necbaa gaalka sabo doona

28.   Sohdii uu ku beermay dhacdaa saaqid baan garane

29.   Suugaantii ismaaciil miraad siiradii qorane

30.   Sangahay soomaalidu jeclayd siidhkii baa qubane

31.   Amxaarkii salaad hore hawada miigu siqanaayey

32.   Sayruuq gumaaduu ka dhigay afarta soonoode

33.   Talyankii sinaha weyn lahaa suulka wuu dhigaye

34.   Ingiriis siraadkiisa dhigay silic wadkiisiiye

35.   Intaasoo sag saag aan caraway sadar maqaadsiiyey .

 

Gabaygan waa gabay qaabka hal isu celinta layidhaahdo ku socda waxaana isu hal celinaya ninka tiriyey oo ah Yuusuf xasan Ismaaciil wuxuuna kamatalayaa inay isagoo hurda ay gogoshiisa ugu timid magaalada Laascaanood kuna leedahay war maxaa igu dhacay waxaan is arkaa anigoo si aaana aqoonjirin ay indhahaygu qabanayaan ee bal iiga sheekee waxa jira iyo sidan wakhtigu isu badalay wuxuuna yidhi sidatan.

 

1.       Ammin socotay habeenkoo saqdhexe uu miyuhu seexday

2.       Sardho rogida markii aan ahaa gogosha soonkeeda

3.       Sax u garad hilow soo wadaa saani ii yimide

4.       Su,aashii la ii dhigay miyaan sax u calaameeyey.

5.       Si u u tidhi

6.       Afarsano sahbaa ii ekaa saami cudureede

7.       Shilin saacid saaruuq wadaa saraha ii jiifa

8.       Maxaa aniga sawaabkay ka dhigay siigadiyo boodhka .!

9.       Saatan idhi

10.   Buuqiyo sawaxankiyo haddaad siidhiga afuufto

11.   Oo aadan sukuud iyo asluub saamax ku ahaanin

12.   Saa,idbayba kuu raacayaan saafur lagu meersho

13.   Si u tidhi

14.   Anigoon saraayaha aqoon suuxidiyo qaylo

15.   Oo aan sabaankiyo wakhtiga sina u weydaaran

16.   Suxul duubka maxaa iigu wacan sidatan ii yeelay.!

17.   Saatan idhi

18.   Garaadkii la saanyaday iyo haddaan saahid oday joogin

19.   Oo ay socdaak wada galeen cadho la sii jeestay

20.   Kol uunbay col suuriyo awood ciidal soo labiye

21.   Markaasay ciyoon soo ekaan suuqa ay imane

22.   Seefaha u sii tumo arliga soocanbaa dhiciye

23.   Si u tidhi

24.   Adduun waa silsilad seero iyo xeere

25.   Subax noolba uunbaa sadilan siigo hoos mariye

26.   Anigana safkii baa imaray silica waynaaye

27.   Sadhagayga maxay xuurtan siqi soolka ka aruurin .!

28.   Saatan idhi

29.   Haddii aad siraad iyo lahayd saro caddaan wayn leh

30.   Oo aan maskiin socod ku yimid lagu safaadaynin

31.   Soomaalida dhammaan iyo haddaan ubadka sooraysay

32.   Wakhtigii sifudud buu ku baxay siifadbaa timide

33.   Sarojoog u yeelnow wallee wiilalbaa socone .

34.   Si u tidhi

35.   Dhirtan saac leh buuranahan safkaa dixahan saameelan

36.   Biyo suruq la ilaheer sunsumi saacad iyo goorba

37.   Nimankii uluufsano lahaa sidatan yaa yeelay .!

38.   Saatan idhi

39.   Adduunyadu samaan iyo xumaan way ku socotaaye

40.   Adigoo samaabaa mar qudha saatir rogayaaye

41.   Sinahaaga yaa ciiradkii cadow ku seexdaa .

42.   Si u tidhi

43.   Soomaalida cadceed iyo cadceed suunkiiba maraye

44.   Siqiir ooya sogob wiila iyo samawadow aabe

45.   Sifaalahan qaloocaa maroo saaqu wada gaadhye

46.   Balse yaabku suu iigu dhacay saancadaa timide

47.   Sanad guuro saar iyo cayaar sacab la dhaanteeyo

48.   Siguracab dadbaa doonayoo cidina siinayne

49.   Maxaa saatan loo yeelayaa saacaddii waliye .!

50.   Saatan idhi

51.   Ingiriis safkiisiyo kuwii boqorka soo raayey

52.   Sawriciisa gaalkii kuwii geyiga siinaayey

53.   Sanadguuro kuwii baa dhigtoo sogobadeer loogay

54.   Siyaaraadna way ugu kacaan suulal qabadkiis .

55.   Si u tidhi

56.   Sidii bay wasqaan ugu jiraan gaalka sabidiiye

57.   Sidiibay gacmaha saab ku odhan qurux salaamaane

58.   Miyaan duulku saxariir kabixin siinmadiyo tuugga .!

59.   Saatan idhi

60.   Sinjoogtii hargaysiyo berbera saylac iyo xeebta

61.   Sayladdii burcaad iyo saraar sararihii beerta

62.   Gidigood sawaxan baa ka kacay saaka waan go,iye

63.   Soomaalidiid bay noqdeen saydhe calankiiye

64.   Sina loogu caalwaa haddeer sixil leh mooyaane.

65.   Si u tidhi

66.   Sinjiyadda adduunkee naflaha muuqu kala sooco

67.   Afsimaana aan lagu arkayn saan ku wada seexda

68.   Soo dhawaadka miyaan duulku dayin miiska wada saran.!

69.   Saatan idhi

70.   Adigoon saluug qabin haddaad balo u saarnaato

71.   Qar saldheer leh yaad sibix ku odhan dhoobadaad solane

72.   Sanku muuqda indhaheer sariyo suunidiyo foolka

73.   Dab sabeeya hadduu kaa marood sidii ahaan waydo

74.   Ileen suure waa kaa lumaa sow gab noqon maysid

75.   Siqan muuqda uunkeer salbaday cadhadu saamaysay

76.   Suufafkeer idlaadkaa miyey dunidu soo eegi

77.   Mise lacagta sooryada ahbaa sharaf la soo siisan

78.   Hadda dhowrnay sawaalkaad marteen sababta uu keeno.

W/Q: Yuusuf Xasan Ismaaciil.

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014406283800
Buuhoodle G/Cayn.

Short URL: http://allssc.com/?p=47080

Posted by on Dec 4 2012. Filed under taariikh, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Gabayo Cusub;- Abwaan” Yuusuf Xasan Ismaaciil” Oo Tiriyey Gabayo Cusub Oo Uu Kaga Hadlayo Waxa Ka Jira Labada Gobol Ee Sool Iyo Cayn.(Akhriso)”

  1. dhulbahtow mid baan idinkag yaabey dhulkiina maaalinba saad qar u siineysaan dad kale baa marka danbe aduunka meel aad degtaan laga wayi doonaa maxaan u iri hadalkaan? << dhulbahtow ceynab idinkaa lahaa maantan isaaq baa degan oo aad u deyseen garoowe idinka laha maantan ciise mahamuud baad u deyseen oo ma sheegataan maantan waxaan u jeedaa inaad sanag sii riixeysaan oo dad ugu deeqaysaan waayo waayo waayo dhulkiina u bixineysaan waa inaad dadka daren siisaan caynab in dhulbahte lleeyahey sanag dhulbahtaa leh garoowe dhulbahta leh ciise riyoole haderey buurah ka soo degeen oo garoowe sheegteen 100 sano ka hor nuurahmed bes baa degnaa war dhulka ha soo kobina ee dhulkina ilaashta sool sang ceyn nugaal <<4 gobol beynu leenahey ee la socda oo dhulka ha soo kobina

  2. manshaa alaah abwaan ka waa gabay fiican in kastoo aanu dad ku wada fahmi karin oo xoogaa uu yara adag yahay gabaygu waxaan codsan lahaa in mar labaad la soo qoro gabayga si akhris kiisa uu ufudaado

Qormadaada

Photo Gallery