Faroole Oo Shacabkii Puntland Ku Kacay Wadadii Qadaafi Iyo Xunsi Mubaarakna Ku Socda Hadaanu Siyaasadiisa Guracan Wax Ka Bedlin. Daawo Qaybokale Oo Sawiradii Mudaharaadka Gaalkacyo Ka Mid Ah.

Allssc: Shacabka degan Puntland ayaa in dhowaaleba ka warsugayey goorta xal laga gaari doono sanadka uu Faroole ku darsaday xukunka dowlada goboleedka Puntland. Maamulka Puntland oo mar ahaa maamulada ugu waaweyn ee ka jira deegaanda Soomaliya ayaa dhaqaalihiisa iyo sumcadiisuba hoos u dheceen intii talada u hayey Oday Faroole. Waqtigan xaadirka ah hadaan calqli iyo cilmi u bixina uu ku wado inuu ka rido dagaal sokeeye ah oo aad loogu sii kala fogeynayo inta isugu hadhay maaulka Puntland.
Waxgarad badan oo deegaanadaas kaoo jeeda ayaana Faroole horey ugula taliyey inuu ka waantoobo inuu waqti ku darsado, balse Faroole oo jirintaanka Puntland ay kala weynyihiin dhowr qadaraas oo uu ku qaatey in lagu hergilyo qaybtiisana uu qaato mudada uu cayintay ayaa ku dhega adaygay fikradihii loo soo jeediyey.

Faroole ayaa si aada loogaga mudaharaaday magaalada Gaalkacyo kadib markii askar isaga sitoosa uga amarqaadanayey ay xadhig, hanjabaad iyo jidh dil u geysteen isimo iyo waxgarad talo bixin ugu tegay Garoowe. Hadaba Faroole ayaa u muuqda inuu xukunka kaga degi doono si foolxun oo la misaal ah ragii hortii ismahadiyey ee weliba awooda sheegan jirey oo ay ugu danbeeyeen Qadaafi oo isagoo mucaaradkiisa ku sheegi jirey inay yihiin jiir ama dooliyaal laga soo saaray isagoo ku dhuumanaya godad jiirar iyo bahalo kaleba ku jireen kadibna si foolxun isagoo ooyaya loo khaarajiyey. Ama odaygii Mubaarak oo markii iscalis laga waayey maalintii xukunka laga riday sariirtii uu ku duulay maxkamad lagu saaray ilaa hadana koome ku jira. Inkastoo Faroole uusan marna yeelan magaca iyo awooda Qadaafi iyo Mubaarak gaadheen ama yeesheen waqtigoodii ayaanu tusaalahan usoo qaadnay maadama saan saanta uu ku socdo u kudhamaan karto sida labada nin ee kor ku xusan ku danbeeyeen.
Balaan eegno uuraysatee waxa umuli doonto.

Daawo Sawiradii Mudaharaadka Ka dhacay Gaalkacyo ee laga soo horjeeday Oday Faroole.

Allssc New Desk
Allssc@Allssc.com

Like!
0
  • Like!
    0

Comments:

Leave A Comment

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>