Ururka Khayraad Ee Ka Dhisan Wadanka Australlia,Oo Maanta Deeq Lacageed Soo Gaadhsiiyey” Dhismaha Xarunta Agoomaha Ee Magaalada Buuhoodle”.(Sawiro+Warbixin)

Buuhoodle(Allssc)-Waxaa saaka si habsami ah u bilaabmey dhismihii”Xarunta Agoomaha Ee Magaalada Buuhoodle” yadoo dhismahi yahay mid qabyo ah ilaa iyo hada.

Dhismahan ayaa ah mid loogu tala galay in lagu Xanaaneeyo ,Lagu koriyo,Wax lagu baro- Agoonta ku dhaqan gudaha magaalada Buuhoodle iyo dhamaan deegaanada hoostaga gobolka Cayn.

Dhulka baaxada weyn ee dhismahani ka socdo ayaa ah dhul ay bixiyeen qoyska reer Maxamud Awmuse, Yadoo uu hada gacanta ku hayo dhismahani amaba hawl wadeen ka yahay, Sheekh Cabdinuur Maxamud Awmuse.

Dhismahani ayaa ah mid ay inta badan ay ka qeyb qaataan waxna ka dhisaan qurbo-joogta u dhalatay gobolada Sool,Sanaag Iyo Cayn,Oo ilaa iyo hada dhismaha xaruntani gaadhsiiyey halkan wanaagsan ee uu hada marayo.

Hadaba maanta waxaa deeq gaadheysa 2000$ dollar mareykan ka ah soo gaadhsiiyey Hablo u dhashay gobolada Sool,Sanaag Iyo Cayn, Oo ku mideysan ”Ururka Khayraad” Ururukan oo ka dhisan wadanka Australlia.

Deeqdan oo ay hablahani ku mideysan Ururkan ”Khayraan”, Ay usoo wakiishteen mid ka mida ah hooyooyinka gobolka Cayn, Hooyo”Faadumo Cali Aw Maxamed”, Yadoo Hooyadani saaka ku soo wareejisey deeqdani gaadheysa 2000$  dollar , Halwadeenka dhismahani Cabdinuur Maxamuud Awmuse.

Waxaana halkaasi ka dhacdey munaasibad balaadhan oo loogu yeedhay bahda saxaafada gobolka Cayn, Yadoo ugu horey madashaasi uu hadalka furey ”Gudoomiyaha Jaamacada Bariga AfrikaEe Magaalada Buuhoodle” Sheekh Cabdishaafi Axmed Cali, Oo ku dheeraadey mahadcelin balaadhan iyo duco dheer oo uu umariyey Hablahani soo gaadhsiiyey Deeqdan”Dhismaha Agoonta Buuhoodle”.

Dhanka kale waxaa yana sidoo kale madashaasi ka hadashay Hooyo”Faadumo Cali Aw Maxamed” Oo faah faahin ka bixisey hablaha deeqdani usoo wakiishay, Yadoo hooyadani sheegtay in todobaadkana ay hablahani ku bahoobay”Ururka Khayraad” deeq soo gaadhsiiyeen Naafada ku sugan gobolka Cayn.

Waxaana sidoo kale madashaasi loogu mahadceliyey shabakada Allssc.com oo yadu inta badan ka qeyb qaadata waxyaabaha tabaruucaadka ah ee ka socda gudaha magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan qeyb lixaad leh ka qaatey baahinta”Dhismaha Xarunta Agoomaha Ee Magaalada Buuhoodle”.

Isku soo wada duuboo, Dhismahani ayaa hada maraya meeshii ugu  wacneyd yadoo aanu wali dhameystirmin,Loona baahan yahay in dadaal badan iyo duco dheeraad ah ay ka qaataan, Shacabka reer Khaatumo State meel kasta oo ay joogaan.

Magacyada hablaha soo diray deeqdani

  1. Asli Mahad Xasan
  2. Farxiya Maxamed Cali (Aflow)
  3. Ayaan Cali Mire
  4. Sahra C/laahi Jaamac
  5. Faadumo Saalax Warsame

Hawl Wadeenka Dhismahani, Loogu Soo Hagaajin Karo Wixii Deeq Ah.
Cabdinuur Maxamuud Awmuse
Free Call;13203582733
Tellphone: 0025224495860
Wuxuu Ku Sugan Yahay Guduha Magaalada Buuhoodle.

Hadaba Hoos Ka Daawo Sawirada Iyo Halka Uu Marayo Dhismahani Oo Qabyo Ah Wali.














Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
hiiradcalihotmail.com
Buuhoodle G/Cayn. 

Like!
0
admin
admin has written 1159 awesome articles.

Comments:

Leave A Comment

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>