Top Secret:Magacyada xubnaha cusub ee wasiirada oo qaar magacyadooda lahelay
Inkastoo aan wali si rasmi ah loo shaacin Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa si horu dhac loo helayaa magacyada qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, iyadoo wajiyo cusub ay ka dhex muuqdaan Golaha
Golahan Wasiirada ayaa noqonaya kuwii ugu tirada yaraa ee soo mara Soomaaliya, waxaana tiradan noqoneysaa 10-Wasiir oo Wasaarado qaar ay is dul saaran yihiin.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in goor dhow uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada, waxaana la sheegay inay diyaarsan yihiin.
Hadal heynta magaalada Muqdisho ayaa saacadihii u dambeeyay aheyd xubnaha Golaha Wasiirada ka mid noqonaya oo qaarkood wajiyo cusub ah iyo arrinta kale ee ah in Beelo qaar ay ka qadi doonaan.
Qaar ka mid ah magacyada Golaha Wasiirada oo ay heshay Jowhar.com ayaa magacyadooda sidan ahaa:-
-Ra’iisul Wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan (Dir/Isaaq)
-Prof Axmed Maxamed Wehliye Xiji Wasiirka Qorsheynta, Beeraha, deegaanka iyo Kaluumeysiga (Hawiye/Xawaadle)
-Faarax Sheekh C/qaadir Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo tacliinta sare (Reer Awxasan)
-Wasiirka Gaashaandhiga Gen. Muuse Xasan Cabdulle (Daarood/Absame/Ogaadeen), waxaa uu ahaa Gudoomiyihii KMG ee Baarlamaanka
-Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed (Hawiye/H.gidir/Sacad)
Xubnahan shanta wasiir ah ayaa qaarkood waxay yihiin kuwo aad ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana jira wasiiro kale oo kuxigeeno u badan inay ka mid ahaayeen Xisbigiisa PDP.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in wali murano xoogan ay ka jiraan xubnaha qaar ee Wasiirada, inkastoo madaxda dowladda ay ku adkeysanayaan in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada.
Wararka qaar ayaa sheegaya in caqabado ka taagan yihiin magacaabista, waxaana Madaxtooyada ka socda shirar qaar oo u badan kuwo lagu qancinayo Beelaha ka qadi doona Golaha Wasiirada.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dhankooda ka muujinaya caro aad u weyn, iyagoo ku goodinaya hadii la horkeeno Golaha Wasiirada tirada yar inay diidi doonaan, waxaana xaalka u muuqdaa in inta aan lagu dhawaaqin magacyada Golaha Wasiirada la sii ogaaday, murankana uu noqday mid faraha ka baxay.
Short URL: http://allssc.com/?p=44451












