Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Somaliland”: Aqoonsi waagii maxaa xiga?

Duulaanka dhowaan maamulka Soomali-diidku ku soo qaaday degmada Xuddun ee Khaatumo ma aha mid ku eg degaankaas oo keliya. Laga bilaabo waqtigii lagu dhawaaqay Maamul Goboleedka Khaatumo, waxa maamulka SNM iyo maamulka Faroole ee mataankiisa ahi qorshaynayeen sidii ay degaanka Khaatumo inta aan gacanta ugu jirin u hantiyi lahaayeen. Waxa la ogaa iskaashigii labada maamul ku qabsadeen degmada Tukaraq iyo sida reer miyigoodu ugu fidayo degaanka Khaatumo iyadoo ciidamadoodu ilaalinayaan.
Garanay dhul-ballaadhsiga labada maamul wadaan. Garanay inaan duulaankan cusubi ku ekayn Xuddun. Waxa hadaba su’aashu tahay sababta maamulka SNM waqtigan Xuddun ugu soo qaaday duulaanka oo hadda ka hor ugu soo duuliwaayey? Su’aal kale oo is-weydiin lihi waxa weeye sababta Soomaali-diidku ku doortay degmada Xuddun waqtigan oo meel kale oo degaanka Khaatumo ah ugu duuliwaayey? Sababaha ilaa hadda muuqdaa waa kuwa hoos ku taxan:
1- Ka hor-tagga fidinta Maamulka Khaatumo:  Duulimaadka ka hor madaxda Khaatumo ayaa kormeer hawleed oo maamulka lagu gaadhsiinayo degmooyin ka tirsan Sool iyo Sanaag ugu joogay degaano ku dhow Xuddun. Ilaa hadda maamul fidinta Khaatumo waa ka socotaa aaggaas madaxdiina waa joogtaa.
2- Ceelasha batroolka ee Holhol: Waxa maamulka SNM heshiis la galay shirkado batroolka baadha. Khubaro shirkadahaas ka socda ayaa maamulku damacsanyahay inuu keeno Holhol oo ka tirsan degaanka Xuddun. Sidaas awgeed wuxuu u baahday ciidan degaanka ceelasha batroolka u jooga.
3- Ka faa’iidaysi shil Xuddun ka dhacay: Waxa dhowaan degmada Xuddun ka dhacay shil sababay dhimashada askari maamulka Khaatumo kala baxsaday baabuur tecknico ah. Waxa maamulka SNM is-tusay in hadduu ciidan halkaas geeyo uu soo dhoweyn ka helayo jilibkii askarigu ka dhashay oo ka mid ah dadka degaanka. Nasiib wanaag arrintaasi ma dhicin dagaal sokeeyena degmada kama dhicin sidii Soomaali-diidku rajaynayey.
4- Gor-gortan Soomaali-diidku la galo Dawladda Soomaaliya: Ka dib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey cod buuxa ku meel mariyey iskuna raacay inaan Jamhuuriyadda Soomaaliya la kala goyn karin isla markaasna Dastuurka Qaranka Soomaaliyeed si cad loogu qeexay xuduudda iyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya  waxa soo af-jarantay beentii 21 sano SNM ku maaweelin jirtay dadkeeda oo ahayd inay  aqoonsi ka helayaan adduun-weynaha. Waxa u caddaatay maamulkaas in aanay sina uga fursanayn inay qayb ka ahaadaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxa markaas maamulkaasi ku tashaday inuu Dawladda Soomaaliya ee cusub kula gor-gortamo in beesha Isaaq ee ictiraafka weyday ka taliso dhulkii 26kii Juun, 1960 ka hor loo yiqiin “British Protectorate of Somaliland” sidaasna uga mid noqoto maamul goboleedada dalka Soomaaliya.
Reer Khaatumo Ilaahay waa ku guuleeyey ilaalinta midnimada Soomaaliya oo reerku u taagnaa laga soo bilaabo halgankii Daraawishta ilaa maanta oo ay xaqiiq noqotay inaan Soomaalya kala go’ayn. Ummadda Soomaaliyeed ee minimada jeceli tageero niyadda ah waa la barbar taagnayd reer Khaatumo in kastoo taageerada afku yarayd taageerada gacantuna eber ahayd. Waxa hadda arrintu isugusoo ururtay in Isaaq hungureeyo in talada dhulkii 1960 ka hor Ingriisku xukumi jiray loo daba fadhiisto iyagoo ka degaan iyo tiraba yar afarta beelood ee kale ee dhulkaas dega.
Su’aashu waxay hadaba tahay: Isaaq ma ku guulaysanayaa himiladiisaas ah in loo daba fadhiisto oo uu ka taliyo degaanka dhereran Loyacaddo ilaa Ceelaayo oo uu u haysto inuu ka dhaxlay Ingriiskii uu adeegaha u ahaan jiray? Jawaabtu waa HAA haddii la waayo cid “yur” tidhaahda.
Axmed Tabaatiig
e-mail: ahmedtabaatiig@yahoo.com
mukhtaar@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=45870

Posted by on Nov 19 2012. Filed under Khatumo2. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery