Qaarka Mida Jaaliyada Gobolka Cayn Iyo Ururada Ka Dhisan Dibada Oo Deeq Lacageed Soo Gaadhsiiyey”Xarunta Dhismaha Agoomaha Ku Dhaqan Magaalada Buuhoodle”(Sawiro+Warbixin)
Qaarkamid ah Jaaliyada Gobolka Cayn iyo Ururada ka Dhisan Wadanka Dibadiisa ayaa Deeqo Lacageed oo kala Gedisan soo Gaadhsiiyey Dhismaha Xarunta loo Dhisayo agoomaha kunool Magaalada Buuhoodle Mashruucaasi oo aas aaskiisa isla lahaayeen Qoyska Reer Xaaji Maxamuud Awmuuse.
Waxana Ugu horayna Deeqdani Lacageed iyo Meelaha laga soo Diray ka War Bixiyey Shiikh Cumar Soodaani oo kamid ah Culumada Diinta ee Gobolka Cayn oo Halkaasi Duco iyo Mahad Celinba uga soo Jeediyey Walaalaha Muxsiniinta ah ee soo Caawiyey Xarunta agoomaha ee Buuhoodle oo haatan Maraysa Meel aad u Wanaagsan isla Markaana ah Xarun Saddex Dabaq ah.
Deeqda ugu horaysa ayaa Waxay kamid ah:-
1.C/Qaadir Saleebaan Ciise oo Jooga Wadanka Uk Waxaa uu soo Diray Lacag Dhan(1000$)
2.C/Wali Qanbi oo Jooga Wadanka Sweden gaar ahaan Magaalada Gotenburg Waxaa uu soo Diray (1350$)
3 Maxamed Cabdi Galaydh iyo Axmed Cawil oo Jooga Denmark gaar ahaan Magaalada Arhus kana Mid ah Ururka”SSHDA” waxay soo dieen(1000$)
4.Maryama Cawil Dhidibe oo joogta wadanka Suadi Arabia gaar ahaan magaalada Dahraan, Waxay soo dirtey (500$+ 850$ oo ay hore usoo dirtey)
Dhamaanba dadkani ayaa saaka loogu duceeyay gudaha Dhismaha Xarunta Agoomaha ee magaalada Buuhoodle, Waxaanay wadarta deeqdani gaadheysaa 4700$ yadoo ay saaka dib u bilaabantey dhismihii xaruntu.
Ugudanbeytii dhismaha xarunta agoomaha ku dhaqan gudaha magaalada Buuhoodle loogu tala galay ayaa hada maraya meel wanaagsan yadoo dhismahani ka kooban saddex dabaq, Sidoo kale Maxamuud Cabdinuur Awmuse iyo Culimada gobolka Cayn ayaa ugu baaqey in wallaalaha dibada jira ee ka soo jeeda deegaanada Sool,Sanaag iyo Cayn ay si wada jira uga qeyb qaatan dhimahani loo tala galay agoomaha ku dhaqan Buuhoodle.
Shabakada Wararka Allssc.com/Online Xafiiskeda Buuhoodle.
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014406283800
Buuhoodle G/Cayn.
Short URL: http://allssc.com/?p=46307

























