Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Ogeysiis:-Shir-weyne Ay Iclaamiyeen Beel-Weynta” Aadan Axmed” Oo Saaka Qeyb Tiisii Koobaad Ka Dhacdey Gudaha Magaalada Buuhoodle, Shir-Kan Oo Socondoona In Mudo Ah.(Full Warbixin)

Buuhoodle(Allssc)-Yadoo in mudo ah ba ay beelaha dega gudaha magaalada Buuhoodle kala yeelanayeen Kulamo iyo Shirar gaar gaar ah, Ayaa waxaa saaka gudaha magaalada Buuhoodle ka furmey shir-weyne ay soo iclaamiyeen dhamaanba beel-weynta ”Aadan Axmed”.

Hadaba beel-weynta” Aadan Axmed” oo ka mida beelaha dega gudaha magaalada Buuhoodle, Islamarkaana ku dhaqan gudaha magaalada Buuhoodle, Ayaa iclaamiyey shir-weyne ay kaga tashanayaan danaha beesha”Aadan Axmed” Iyo sidoo kale sidii ay nabad gelyada ula qaadan lahaayeen beelaha ay wallaalaha yihiin islamarkaana deegaan wadaagtu ka dhaxeyso.

Shir-kan oo saaka subaxnimadii ay dhacdey qeybtiisii koobaad ee ay iskugu imanayeen dhamaanba Cuqaash,Waxgaradka,Culimada iyo dhamaanba beesha qeybaheeda kala duwan, Ayaa ka dhacay,Dooxa Magaalada Buuhoodle”Gobabka”, Yadoo uu ahaa qaabka shir-weynahi loo soo agaasimey mid aad u bilic wanaagsan.

Shir-kan ayaa ah sida lagu wado ah mid beesha ”Aadan Axmed” ay kaga tashaneyso aayaheeda, Yadoo saakana ay beeshu iskugu timid kulan balaadhan oo ay kaga hadlayeen qeybaha shir-kani ay beeshu iclaamisey.

Waxaana halkaasi ka dhacay kulan balaadhan oo kusoo gabagaboobay is afgarad guud oo baasha” Aadan Axmed” dhex mara, Yadoo intii saaka lagu jirey kulankani ay beeshu gaadheen go’aamo ku saabsan shi-weynahan ay iclaamiyeen beesha” Aadan Axmed”

Waxaana ay beesha”Aadan Axmed” soo jeedisey in beeshu qabsato gudi 33 xubnood ka tirsan oo qaban qaabisa qeybaha kala gadisan ee shir-weynaha beesha”Aadan Axmed” Waxaana halkaasi laysla gartey soo xulista gudidan iyo qeybaha soo socda ee Shir-weynaha beesha”Aadan Axmed” oo ah mid beeshu kaga tashaneyso xalinta, Khilaafka,Tafaraaruqa iyo kala qeybsanaanta beel weynta” Aadan Axmed”.

Ugu danbeyntii shir-weynahan maanta u furmey beel weynta” Aadan Axmed” ayaa ah mid socon doona in mudo ah, Yadoo la sheegay in beeshu marka hore ay duceeysan doonto”Alle Bari” kadibna ay ka wada tashan doonto danahooda gaarka ah iyo sidii loo mideyn lahaa Beel-weynta” Aadan Axmed”.

Hadaba Kala Soco Shir-weynaha Beesha” Aadan Axmed” Ka Socda Gudaha Magaalada Buuhoodle, Shabakada Codka Shacabka Allssc.com Yadoo Aanu Idiin Soo Gudbin Doono Qeybaha Kala Gadisan Ee Shir-Weynaha Socda……….

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014406283800
Buuhoodle G/Cayn.

Short URL: http://allssc.com/?p=46574

Posted by on Nov 28 2012. Filed under taariikh, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery