Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Dalka Switzerland Maanta
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Dowladda Switzerland oo ay hogaaminayeen Safiirka iyo Xoghayaha Koowaad ee dalka Swiss u qaabilsan Dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labadda dalka iyo sidii Dowladda Switzerland uga qayb qaadan lahayd xasilinta dalka, dib u dhiska iyo Horumarinta.
Safiirka Dowladda Swiss ee dalka Soomaaliya ayaa u sheegay Madaxweynaha in markii hore Soomaaliya ay ka caawin jireen dhanka beni’adamnimadda hayeeshee haatan wixii ka dambeeya qorshoodu ballaarin doonaan islamarkaana Dowladdda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan Siyaasadda, Dib u dhiska goboladda dalka iyo dib u habeeynta Nidaamka Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe.
Ugu dambeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya ayaa ka gudoomay Safiirka warqad hambalyo ah oo ay u soo dirtay Madaxweynaha Swiss Eveline Widmer Schlump isagoona aad iyo aad uga mahad celiyey.



mukhtaar@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=44489












