Madaxweynaha Galmudug Oo Yimid Muqdisho”Maxamed Ahmed Caalin ”:- Waxaanu U Nimid In Xaqayaga Nala Siiyo Si Toos Ah, Meel Kalena Aan Naloo Soo Marin.(Warbixin)
Mugdisho(Allssc)Madaxweynaha Maamulka goboleedka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay safar uu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Cabdi Xasan Cawaale Madaxweynaha Galmudug markii uu ka soo dagay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo saxaafadda kula hadlay gudaha Garoonka ayaa sheegay in uu kulamo la qaatay safiirada caalamka ee safaaradaha ku leh magaalada Nairob isagoona kala hadlay sidii loo hormarin laha dadka ku dhaqan gobolada dhexe ee dalka.
Madaxweynaha Galmudug ayaa intaa ku daray in maamulkiisa uu wado dhismooyin dan guud ah oo ay ka mid tahay dhismaha xarunta Madaxtooyada iyo xarunta baarlamanka maamul goboleedka Galmudug.
Mudane Cabdi Qeybdiid ayaa tilmaamay in ay socdaan dhismooyin kale kuwaas oo loogu tala galay in lagu xiro kooxaha burcad badeeda ah si looga bad baado qatartooda ayagana ay u nabad helaan.
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014406283800
Short URL: http://allssc.com/?p=44476












