Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Xilliga shaqo ee AMISOM ku Kordhiyay Muddo Hal Toddobaad ah

News Yorkl(Allssc)Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay xalay ku yeesheen meel ka baxsan xaruntooda New York waxay muddo hal todobaad ah ku kordhiyeen howl-galka ciidamada AMISOM ee ka howgalaya Soomaaliya, iyadoo uu jiro muran ku saabsan xilli kordhinta AMISOM oo u dhexeeya 15-ka dal ee golaha ammaanka.

Xilliga shaqo ee ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ayaa ku ekaa 31-kii Oktoobar oo ku beegnayd Arbacadii shalay, iyadoo lagu wado in golaaha ammaanka ay kaga doodaan arrinta muddo u kordhinta AMISOM kulan ay uga hadlayaan arrimaha dalka Soomaaliya oo ay yeelanayaan Arbacada soo socota.

Ururka Midowga Afrika ayaa waxay kaga codsadeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay kordhiyaan taageerada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan si ay u suuro-gasho in dib loosoo celiyo ammaanka iyo kala dambeynta dalka.

Sidoo kale, Midowga Afrika waxay codsadeen in cunn0-qabteynta hubka laga qaado Soomaaliya, taasoo ay ku qaybsan yihiin xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo aan la ogeyn go’aanka ay ugu dambeyn ka qaadan doonaan.

Ilo wareedyo diblamaasiyadeed ee Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa sheegaya inuu jiro is-faham-waa u dhexeeya 15-ka dal ee golaha ammaanka UN-ka kaasoo ku saabsan in cunno-qabteynta laga qaado Soomaaliya iyo in aan laga qaadin.

Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo sannadkii 1992 saarnaa cunno-qabteyn hub kaddib markii ay ka billowdeen dagaallo sokeeye oo qaab beeleed ku dhisnaa, iyadoo uu Midowga Afrika ku doodayo in loo baahan yahay in cunno-qabteynta hubka laga qaado Soomaaliya si loo dhiso awoodda ciidamada milateriga Soomaaliya iyo kuwa ammaanka.

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014406283800 


Short URL: http://allssc.com/?p=44470

Posted by on Nov 1 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Recently Commented

Photo Gallery