Golaha amaanka ee QM oo muddo todobaad ah dib u dhigay xili kordhin loo sameynayo AMISOM
Golaha amaanka ee QM ayaa xalay kulan ku yeeshay kulan xasaasi ah xaruntooda magaalada New-York ee dalka Maraykanka, kaasoo looga hadlayey arimo badan oo khuseeya xaalada Somalia.
Xubnaha golaha amaanka ayaa ugu horeyn isla soo qaaday xili kordhin cusub oo loo sameeyo howlgalka midowga Afrika AMISOM ee ka socda Somalia ka dib markii uu dhamaaday xiligii ay horey ugu qabteen oo ku ekaa 31-la Oktoobar oo shalay ku beegneyd.
Golaha amaanka ayaa isku raacay in dooda ku saabsan xili kordhinta ciidamada AMISOM dib loo dhigo ilaa muddo todobaad ah oo ku beegan Arbacada soo socota, waxaana la filayaa in muddo hal sano ah ay ku daraan xiliga ay ciidamada AMISOM sii joogayaan Somalia.
Dhinaca kale, golaha amaanka ayaa ku kala duwanaaday dalab ka yimid Midowga Afrika oo ahaa in Somalia laga qaado xayiraada hubka ee mudada dheer saaaran si loo qalabeeyo ciidamada dowlada ayna awood ugu yeeshaan iney la dagaalamaan xoogaga Al-Shabaab.
Xubnaha golaha amaanka ayaa la sheegay iney go’aan mideysan ka gaari waayeen arintaas waxaana qaarkood ay ka soo horjeesteen dalabka lagu qaadayo xayiraada hubka oo ay sheegeen inuu halis gelinayo amaanka soo hagaagaya Somalia, uuna sababayo in hub kale oo fara badan ku khul khulo, waxaana la isku raacay in dooda qodobkaas isna dib loo dhigo illaa todobaadka dambe.
Short URL: http://allssc.com/?p=44447












