Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Xurmadle”Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe,Suldan Siciid Cali” Iyo Wafti Ay Hogaaminayaan Ayaa Maanta Kormeer Booqasho Ku Tegay”Jaamacada Bariga Afrika” Faraceeda Magaalada Buuhoodle.(Top Sawiro+Warbixin)

Buuhoodle(Allssc)-”Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe Iyo Suldan Siciid Cali” iyo wafti balaadhan oo ay hogaaminayaan labadan isim ayaa maanta booqdey”Jaamacada Bariga Afrika” Faraceeda Magaalada Buuhoodle.

Waftidan Isimada ahayd oo uu horkacayay ”Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe” ayaa qaarkood ahaayeen Wafti dhawaanahan ka timid caasimaada dalka Somalia ee magaalada Muqdisho, Sidoo kale waxaana yana waftidan wehelinayay Wafti kale oo uu horkacayay isna”Suldaan Siciid Cali” Oo yana iskugu jirey cuqaasha kale ee gobolka Cayn.

Wufuudan oo iskaashanaya, Ayaa maanta Subaxnimadii kormeer booqasho ku tegay”Jaamacada Bariga Afrika ” Faraceeda magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Waxaana ugu horeynba halkaasi ku soo dhaweeyay guurtidan Isimada iyo Waxgaradka iskugu jirtey dhamaanba maamulka jaamacadani” Professor Cabdishaafi Axmed Cali” Macalimiin kale iyo iyo dhamaanba Ardeyda jaamacada”East Africa University”.

Waxaana soo dhaweyntaasi kadib bilaabantey Xaflad aad u qurux badan oo Hallka Jaamacada lagu qabtey, Yadoo markii danbena madashaasi uu ugu horeyn qudbad aad qiimo badan kasoo jeediyey”Pr Cabdishaafi Axmed Cali” Oo isagu ah gudoomiyaha Jaamcadani.

Qudbada Pro-Cabdishaafi ayaa ahayd aad u qiiro badan, Yadoo Pro-Cabdishaafi Soodhaweynta Wafigan Ay horkacayeen labadan Isim”Xurmadle Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe Iyo Xurmadle Suldaan Siciid Cali” kadib uu ku dheeraadey”Ahmiyada ay leedahay Waxbarashadu iyo Sida ay ugu heelanyihiin koru qaadista heerka waxbarasho tayo leh oo laga helo deegaanadani.

Dhanka Kale pro-Cabdishaafi ayaa sidoo kale soo jeediyey in ay jiraan waxyaabo ka dhiman awooda jaamacadani yadooy way waxyaabahaasina kala yihiin sida uu Pro-Cabdishaafi sheegay;- In guriga Jaamacadu degan tahay uu yahay mid kiro ah, Sidoo kale aysan awoodin Macalimiinta heerka tayo aqooneed leh ee ay keeneen Jaamacada in ay bixiyaan Salary gooda amaba Joornaatigooda bisha, Sidoo ay jirto in ay Jaamacadu bahantahay Labs amaba layboorati    ay ku kaydsan yihiin Agabkii jaamacada oo dhani.

Sidoo kale Pro-Cabdishaafi Axmed Cali”Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika, Faraceeda Magaalada Buuhoodle” Ayaa sheegay in maansha Allaah maanta ay jaamacadu jirto Labo Sano gudaha magaalada Buuhoodle, Yadoo dadaalkeeda ay iska lahaayeen Ganacsatada,Cuqaasha,Waxgaradka Iyo Culimada Buuhoodle dhamaanba intii gacan ka geeysatey, Balse ay wali u hadsan tahay dhankii gurbajoogta Deegaankani.

Waxaa sidoo kale yana madashaasi qudbadihii ugu danbeysay kasoo jeediyey”Xurmadle Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe iyo Xurmadle Suldaan Siciid Cali” oo labaduba ku dheeratey Amaan balaadhan oo ay u soo jeediyeen dhamaanba Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadani, Sidoo kalena faray dhalinyarada gobolka Cayn iyo Waalidiintaba inay deegaankooda kor u qaadaan, Kana faa’idaystaan ” East Africa University” faraceeda magaalada Buuhoodle iyo Pr-saradan tayada aqooneed leh ee wax ka bara jaamacadani.

Ugu danbeytiina Waxay labadan Isim iyo Dhamaanba Cuqaashii kale ee la Socday,Culimaa’udiin,Waxgarad dhamaanba waxay baaq takuleyn ah u direen Qurba joogta ku dhaqan dalka dibadiisa oo ay yana tahay markooduu inay wax kala qabtaan dhismaha jaamacadani, Oo hada la dhameystiray dhismaheedii rasmiga ahaa, Yadoo ay sheegeen wufuudani in dadaalkan oo dhan laga geystay gudaha deegaankani amaba dalka.

Sikastaba ha ahaatee dhamaadkii kormeer kani ayaa waxay waftigan iyo maamulka jaamacaduba ay mar labaad booqasho ku tageen halka uu ka socdo dhismaha rasmiga ah ee jaamacadani, Yadoo dhismahaasi ahaa mid qabyo ah balse aan wax badani ka hadsaneyn, Sidoo kale waxay Wufuudani dhamaantooda intii ay gudaha dhismahaasi ku jireen ay baaq gar gaar ah oo video ah ay shabakada Allssc u soo mariyeen qurba joogta yagu u dhashay deegaanadani Sool,Sanaag Iyo Cayn, inay gar garaad u fidiyaan dhismaha qabyada ka ah jaamacadani.

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014406283800
Buuhoodle G/Cayn.
















































Shabakada Wararka Caalamka Iyo Somaliyaba Ee Codka Shacabka Khaatumo State, Allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=43898

Posted by on Oct 23 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Xurmadle”Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe,Suldan Siciid Cali” Iyo Wafti Ay Hogaaminayaan Ayaa Maanta Kormeer Booqasho Ku Tegay”Jaamacada Bariga Afrika” Faraceeda Magaalada Buuhoodle.(Top Sawiro+Warbixin)”

  1. cilmi

    Waa guul weyn waxaana naylaga rabaa inaynu dhismaha Jaamacadda waxayar ee ka dhiman ku caawino islabishan gudaheeda iyo sida ugu dhakhsaha badan inshaa Alaah.

    • cali m cali

      mashaa allaah alle ha inoo barakayo Isimadeena sharafta leh kana warhaya barbaarta wax baranaysi iyo niyaayirada ay u hayaaaan ubadka dadaalaya dhalinyaradana waxaan leeyahay odayaasha ha niyad jebinina ee dadaala wadanku wuxuu u baahanyahay dhalinyoro wax taqaan. alle ha idin guulayo.

Qormadaada

Recently Commented

Photo Gallery