Xurmadle”Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe” Iyo Wafti La socotey, Oo Maanta Si Qurux Badan Loogu Soo Dhaweeyay Gudaha Magaalada Buuhoodle.(Sawiro+Warbixn)
Buuhoodle(Allssc)Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe iyo Wafti uu horkacayo oo maanta si qurux badan loogu soo dhaweeyay gudaha magaalada Buuhoodle, Waftigan oo kasoo kicitimey caasimada dalka Somalia Mugdisho.
Waftigan ayaa ahaa kuwo habeenkii xalay ahaa u hoyday magaalada Goob oo 40 kilo miters u jirta magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, Isla mar ahaantaana ku jirta xadka Dowlad Deegaanka Somalida Ethiopia, Yadoo taas qorshaheedu ahaa in maalinka maanta ah si diiran loogu soo dhaweeyo Xurmadle”Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe”.
Waftigan ayaa ahaa kuwo saaka soo gaadhey magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, Yadoo looga hortagey duleedka magaalada Buuhoodle ilaa 20 Kilo miters yadoo ay halkaaasi kaga hortageen dhamaanba gaadiidka ku sugan gudaha magaalada Buuhoodle,Shacabka reer Buuhoodle,Cuqaal,Waxgarad, Culimaa’udiin,Ururada Hooyoyinka, Ururada Dhalinyarada,Ciidamada xooga ee magaalada Buuhoodle.
Waftigan uu hogaaminayay, Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe”Garaadka Magaalada Buuhoodle, Ayaa ahaa kuwo yagu ka maqnaa gudaha magaalada Buuhoodle mudo dhan 5months yadoo uu Garaadku ka tegay magaalada Buuhoodle 6/5/2012, Isla markaana uu ku maqnaa dib u dhiskii dowlad rasmi ah oo umada Somaliyeed ka dhexeysa.
Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe iyo waftiga uu horkacayay ayaa ahaa kuwo ilaa xad laga tabey gudaha magaalada Buuhoodle, Yadoo garaadku ahaa garaadka kaliya ee katalin jirey gudaha magaalada Buuhoodle.
Hadaba Waftigan uu Xormadlle Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe Horkacayay ayaa ahaa kuwo si qurux badan loogu soo dhaweeyay gudaha magaalada Buuhoodle, Yadoo gagabadii soo dhaweeyntana ay Garaadka iyo dhamaanba shacabweynaha reer Buuhoodle, Cuqaal,Waxgarad,Ciidamada xooga Buuhoodle, Iskugu tageen garoonka weyn ee kubada cagta ”Xabado Studium”
Waxaa soo dhaweynta xormadle Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe, Madashaasi ka qudbadeeyay ugu horeyn mid kamid cuqaashii la socotey Garaadka isla markaana ka mid ahayd Waftigan”’Caaqil Cali Cali”Cali Dahable”,Suldaan Siciid Cali,Cuqaal Kale,Waxgarad,Ganacsato,Ururada Hooyinka oo ay horkacayso”Hooyo Faadumo”,Culimaa’udiin,Saraakiil, dhamaanba waxaa madashaasi laga soo wada jeediyey qudbado aad qiimo badan,
Sidoo kale waxaa gabagadii madashaasi ka qudbadeeyay Xormadle Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe”, Yadoo ay ahayd qudbada Garaadku mid aad u xiiso badan, Sidoo kale waxaa hadalkiisii ka mida ahaa:- Marka Hore wan idin Salaamaya, marka xigta waxan idiinka mahad celinayaa sida quruxda badan ee aad maanta u mideysan tihiin, Waxaan idiin wadaa oo aan soo arkey Somali oo midowdey, Waxaa sharaf iyo magacba noo ahayd waftigayagii Isimada ahaa ee ku sugneyd Mugdisho magaca maamulkeena”Khaatumo State Of Somalia”
somaliyi way midowdey waxaa iiga muuqdey halkaasi inay soo laabaneyso Qaranimadii somaliyeed, Maamulka Khaatumo State,Oo aanu ka soconay anagu Isimadiisiina ahayd, Wuxuu ahaa maamulka kaliya ee loogu jeclaa gudaha Caasimada Somaliyeed ee Muqdisho, Sharaf iyo Karaamo ayaanu halkaasi ku joogney kagana qeyb qaadanay dib u dhiska Qaranimada Somaliyeed.
Sikastaba ha ahaatee Soo dhaweynta waftigan uu horkacayay Xormadle Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe, Ayaa ahaa kuwo in badan laga tabayey gudaha magaalada Buuhoodle, Yadoo maantana dhamaanba laga qeyb qaatey soo dhaweynta Garaadka magaalada Buuhoodle ”Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe”.
Hadaba Hooska Daawo Sawiro Qeyb Ka Soo Dhaweynta xormadle ”Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe”.
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
Hiirad@allssc.com
001440683800 Free Call
Buuhoodle G/Cayn.



















Short URL: http://allssc.com/?p=43730













walleee ilaaah hadaaayeee dad yaaable weeeeye reeer buuuuhoodle waaa libaaaxyo aaan lalal tartami karin,,,maaanta waxaaa go ay oooo siii goay ragggiiii xaaaabka iyo xaaarka garoowe iyo hargaisa ka cuni jiray,,,ishiiii buktaaaay ku bikaaacso,,,,,guuul reeer buuuuhoodle iyo reer khaaaatumo state
maan shaa alaa walee waa ishii buktay ku bikaacso oo hadana kanaxaw nafta waa isha badda baxarka geesiyada buhoodlaw balaayadu idinka xijaaban baraadho iyobarwaaqa iyo bara caafimaad baqorku idinku bishaaree
masha allah waxaa ka muuqata waddanimo weyn oo qalbigooda iyo darenkooda laga daremayo masha allah reerbuhoodle waxa ka sii cajib badan sida ay odayal dhaqamedkooda usoo dhaweynayayaan iyo xushmada ay u hayaan dhalinyaro haweka iyo wayalkuba waa dad gobanimadu ku badan tahay oo jecal wanaga umadda somliyeed masha reer buhoodle meshas ka sii wada waniyada waxa idin xusi dona tarikhada ood balal dabah ah kaga jirten kaga jiridontaan waligiin
somlia somlia ba leh
mtosh massimo
ascww