Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Gogol Xaaraya Nidaamka Axsaabta Siyaasadeed

Mugdisho(Allssc)Xisbiga PDP ee uu ka tirsan yahay  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u gogol xaaraya nidaamka axsaabta badan ee siyaasada, si Soomaaliya bilow ugu noqoto Xisbiyada siyaasadeed ee dalka

Kulan uu soo qaban qaabiyay Xisbiga PDP oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay ilaa 10-xisbi siyaasadeed, iyadoo looga hadlay sidii loo hirgelin lahaa nidaamka axsaabta badan, maadaama laga baxay KMG, isla markaana la dhisay dowlad rasmi ah.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Nabada iyo Horumarka PDP Xamza Cabdi Aar ayaa sheegay in loo baahan yahay in la furto Nidaamka Axsaabta, si Soomaaliya wado ugu furanto, isla markaana ay u yeelan laheyd Xisbiyo siyaasadeed oo awooda dalka ku tartanta.

Waxaa uu sheegay inay isku afgarteen xubnaha Xisbiyad kale sidii loo hirgelin lahaa Xisbiyo siyaasadeed, isla markaana nidaamkan uu noqdo mid dan u ah Soomaaliya oo dhan.

Xisbiga PDP ayaa ahaa Xisbiga ugu shacbiyada badnaa, maadaama Madaxweynaha talada haya Xasan Sheekh Maxamuud uu Gudoomiye u ahaa, iyadoo la xusuusto xilligii ololaha doorashada sida uu Xisbigiisa banaanka isku soo dhigay, isla markaana uu ku guuleystay xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

Dastuurka ayaa qaba in la furo nidaamyada Asxaabta badan, isla markaana la furan karo Xisbiyo siyaasadeed, hase ahaatee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga doonayaa inuu dejiyo shuruucda Xisbiyada, isla markaana uu meel mariyo.

Afarta sano ee soo socota ayaa dowladda cusub ee hada talaabsatay inay dalka u horseedo tirakoob guud, doorasho xor ah iyo in afti loo qaado Dastuurkan wali qabyada ah ee aan wali Baarlamaanka meel marin.

Short URL: http://allssc.com/?p=43873

Posted by on Oct 23 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery