Xildhibaano Iyo Siyaasiyiin Ka Tirsan Dowladda Soomaalia Oo Cambaareeyay Xarig Iyo Jirdil Loo Geystay Dad Ku Dhaqan laascaanood
(allssc muqdisho) Xildhibaano Siyaasiyiin iyo Waxgarad Ka soo jeeda Gobalka Sool ayaa maanta si kulul u Cambaareeyay xarig iyo jir dil joogta ah oo ay sheegeen in maamulka Soomaaliland ay kala kulmaan dadka shacabka ah iyo suxufiyiinta ku nool gobalkaasi.
Odayaal, Waxgarad, iyo xildhibaanno ka soo jeeda deegannada Khaatuma oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhacdadii Laba Cisho ka hor ka dhacday magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxeyna baaq u direen dowladda Federaalka Soomaaliya in arrintaasi ay soo faragaliso.
Ugaas C/llaahi Ciise Nuur oo ugu horeyn ka hadlay shirka ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dhacdadii ka dhacay magaalada Laascaanood, isla markaana ay cambaareynayaan, isagoo intaa raaciyay in Soomaaliland ay khalad ku tahay in ay jeelka dhigto dad aan waxba Galabsan.
Sidoo kale Xildhibaan C/waaxid Shariif jaamac ayaa tilmaamay in sababta dadka lagu xiray magaalada laascaanood ay tahay taageerada ay u muujiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama ummadda Soomaaliyeed ka ka gudubtay KMG, isla markaana ay waajib ku tahay in ay taageeraan dowladdooda.
Ugu dambeyntii guddoomiyaha Guddiga Saxafiyiinta maamulka Khatauma State ayaa cambaareeyey falkii ka dhacay magaalada Laascaanood kaas oo xabsiga loogu taxaabay Saxafiyiin Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay ka warramayeen dhacdadii ka dhacday Laascaanood, taasina ay sii xoojineyso dhibaatada sida gaarka ah u heysta Saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Magaalada laascaanood ee gobolka Sool ayaa ah meel ay marar badan isku qabteen Somaliland iyo maamulka Khaatuma State, iyadoo aysan jirin cid si gaar ah u dhex dhexaadisay, waxaana arrintaasi ay soo shaac baxday xili uu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeyey labadaasi dhinaca.
mukhtaar@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=43142













Mahad bay mudanthay cid kasta oo ka xumaatay dhibta ay SNM u geysato shicibka Khaatumo. SNM luqad kale oo aan ahayn in la iska caabiyo ma fahamto.
asc adabaan usalmaya umada reer khatumo state waar niimanka reer khatumo miyaayna dhiigba lahayn sidee idinku jooga dumarkiini iyo ciiyalkini maalin walaba laguu xidhxidhaya lasanod ……….raagii miyee sool waar ilahaban idinku dharashe intaad kacdaan duumarka iyo ciyalka wariyasha sii dhaaha niin idiin lamida aya raba inu idiinku maamulo guurigini reer khatumo waliba kuwa diiba huurada aad kuu jiirtaan kaa kaca oo waaliba hablaha uu dhashay gooblka xabadaha qaataa waar ilahay daad buu idinka dhiigaye quraan iswada sara goblka sool daka jooga waad falantihiine
There no somaliland government in this planet and will neber be Bi,idnilahi.
majirto wax la dhaho somaliland aduunka.
waxa keliya ee jira waa maleshiyo beeleed snm oo ah budhcad denbiilayal ah
oo ku duushey magaalada Lascanod oo kamid 18 gobol jamhuriyada Somaliya
marka wax aan jirin yaan lagu hadaqin meesha kama jirto dawlad aan ahayn
dawlada jamhuriyada Somaliya wixii kale waa shaati qabiil iyo been.
laga soo bilabo okt 2007 ayaa la canbaraynayey dhagarta maleshiyada kasoo duushey hargeysa welina sidii bay u wadan dulmigii
Aniga waxay la tahay in la keeno farsamo kale oo kaduwan canbarayn iyo baaq
snm waxay ku dhaqman munafaqnimo waxay lamid yihin kuwii quranka lagu sheegey Thumun Bukmun Cumyun fahum laa yarjacun suratu Baqara.
waxa keliya inoo furan waa inago isku tashana lanimadna halgan run ah
ilaa aynu xanujino oo ku kalifno haraagoda anay baxan inta kahoraysa xaaladu sidasay ahanaysa.
sidaa darted waa lagama maarmaan in aan samayno Action but not words !