Xaaskii Meles Zenawi Oo Diidan Inay Ka Guurto Qasriga Madaxtoyada Ethiopia.(Warbixin)
Allssc(Allssc)Haweeneydii uu ka geeriyooday R/wasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zenawi ayaa diiday inay ka guurto xarunta madaxtoyada dalka Ethiopia.
Sida ay sheegayaan wararka Mrs Azeb Mesfin ayaa diiday in ay xaruntaas u baneyso R/wasaaraha cusub ee Ethiopia iyo xaaskiisa si uu howlahiisa caadiga ah uga wato madaxtoyada Ethiopia.
Xaaskii Zenawi ayaa diidey in ay kala xulatao saddex guri oo waaweyn oo ku yaal Addis Ababa iyadoo loo ballanqaaday in ilaalo wanaagsan loo yeeli doono, waxayna haweeneydan diiday xitaa inay soo booqato guryaha loo diyaariyay inay u guurto iyadoo ku sababaysay in ay ammaankeeda u baqayso.
Madaxda dowlada ayaa dhowaan warqad u qoray xaaskii Zenawi iyagoo ka codsaday inay ka guurto qasriga madaxtoyada si uu u dego R/wasaaraha cusub Mr Hailemariam Desalegn.
R/wasaaraha cusub iyo qosykiisa ayaa waxa ay hadda degen yihiin dhisme yar oo ku yaal duleedka galbeed ee caasimada Ethiopia.
Mr Hailemariam ayaa loo dhaariyay bishii hore R/wasaaraha Ethiopia kadib markii uu si kumeelgaar ah xilkaas u hayay tan iyo geeridii Meles ee 20kii August.
Xaaskii Zenawi ayaa waxaa ay ka mid tahay dad u ololeynaya in uusan soo degin R/wasaaraha cusub qasriga madaxtoyada loogaga taliyo Ethiopia.
R/wasaaraha Ethiopia ayaa waxa ay dantu ku qasabtay in xilli dambe uu ka tago madaxtoyada una hoydo gurigiisa isagoo waqti horena u soo kallaha qasriga madaxtoyada si aysan wadooyinka ciriiriga ah ee Addis Ababa ugu xirmin. Waxaana R/wasaarahan cusub ilaaliya ciidamo ka yar kuwii hore u ilaalin jirey Meles Zenawi.
Dowlada ayaa adkeysay ammaanka guriga uu degen yahay balse waxa ay doonaysaa in uu u guuro qasriga madaxtoyada oo si weyn loo ilaaliyo.
Mrs Azeb oo ah haweeneydii uu ka geeriyooday Zenawi ayaa ka mid ah madaxda sare ee jabhadii la oran jirey TPLF waxayna ka mid ahayd dagaalyahanadii u soo dagaalamay sidii xukunka loogaga tuuri lahaa xukuumadii Mengistu Hailemariam
Haweeneydan ayaa u dhashay saddex carruur ah Zenawi waxayna ka mid tahay baarlamaanka dalka Ethiopia iyadoo ku soo biirtey sanadkii 2005tii dibna loo soo doortay 2010.
Waxayna haweeneydan sidoo kale madax ka tahay shirkadda EFFORT oo ah shirkad Balaayin dollar hantideedu gaareyso.
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
kalshaale7@gmail.com
0014406283800
Buuhoodle G/Cayn.
Short URL: http://allssc.com/?p=43501












