Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Waxgaradka Gobolka Sool ayaa ugu baaqay maamulka Puntland inuu jaawaab ka bixiyo Qaaddad lagu gubey Qardho(Sawiro

Kulan Saxaafadeed lagu qabtay magaaladda Laascaanood ayaa lagu soo bandhigay cabasho shixnado Qaad ah oo si sharci daro ah loogu gubey duleedka magaaladda Qardho.
Qaadkan Todobaadkii aan soo dhaafnay lagu gubey duleedka magaaladda Qardho ayaa sida uu sheegay Siciid Madaxyar oo ka mid ah dadkii wadey shixndaha la gubey ee M522 inay la xidhiidheen Taliyaha ciidanka booliska qardho balse aanay ka helin wax Jawaab ah oo qanciya.
Shirkadahan Qaadkooda Lagubey oo xaruntoodu tahay magaaladda Laascaanood caasimadda Gobolka Sool ayaa waxa odayaasha iyo waxgarakuba ku baaqayaan in talaabo maamulka Puntland ka qaadaan.
Caaqil Xasan Aadan Saleebaan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu maamulka Puntland ugu baaqay inay talaabo ka qaadaan dableydaas isla markaan ay magdhaw ka bixiyaan maadaama ay cashuur bixiye ahaayeen.
Caaqilku waxa uu ku dheeraaday hadaan maamulka Puntland talaabo cad aanay ka qaadin arintan aasan masuul ka noqon doonin wixii ka yimaada

Warsame Saleebaan Dhikil oo ka mid ah odayaasha Laascaanood ayaa waxa uu maamulka Puntlan ku tilmaamay inay ku caano maashay nabad haatan taas looga fadhiyo.
Talaabadan ay dableydu qaaday ayaan horey uga dhicin degaanadda uu qaadku lugta ku dhex maro taasi oo ay ganacsatada qaarkood walaac ka muujinayaan in ay saamayn ku yeelato guud ahaan ganacsiga.
Shirkadda Jabuutaawi oo ah shirkad hawlo badan ka qabata dalka Soomaaliya ayaa ah mid dadka Gobolka Sool ku dhaqan ay si aad ah u jecel yihiin taas oo ka qay qaadata arimaha Bulshada gaar ahaan dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka iyo weliba raadinta horumarinta degaanka

Short URL: http://allssc.com/?p=42823

Posted by on Oct 7 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

8 Comments for “Waxgaradka Gobolka Sool ayaa ugu baaqay maamulka Puntland inuu jaawaab ka bixiyo Qaaddad lagu gubey Qardho(Sawiro”

  1. aad baanu u soo dhaweeneenaah daroogadada dadka iyo shacabkaba dhibtah ku haasah waxa aanu leenayah weliba joogto ha ka dhigaan inaay gubaan waayo waa daroogo dadka wax u dhimay ninkii dadka daroogadaa ka qabtanah waxa aay ka helayaan ajar baan aamin sanahay aniguh wabilaah taafiiqh

  2. Cali ugas

    REER Qardho ama reer pintland ma waxay la yimaadeen gubista xoolaha ummadda somaliyeed ,, oo may sharci u soo maraan oo joojiyaan qaadka gebigiisaba,, laakin sida tan si ma ahan iska gub

  3. boowe maxaa wiilashii cusman maxamud qaadka u gubeen ma aan halmar yar iyo weyn qiiqa qaadka gubtey kuwada murqaana mise tartan qaad walayaal baa loo gubay see arinku u jidhaa.

  4. Adan Dawlad Shire

    waxaa wax laga xumaado ah in dad hantidis micno daro lagu gubo, falkana mahan mid baajinaya hawlaha shirkada qadka ee laga leeyahay gobalada khatumo cidkasta barxad ay siday donto kayeesho way leedahay hadaysan jawab kabixin umadii waxas sameeyey cawaaqib xumada kadhalata inay mas uuliyadooda qaadi doonan

  5. miyayna ahayn waxaasi colaad dadku ay layaabaan inajabuutaawi waanin dhulbahante ah wixiisa waain awood looguraadiyaa dha maan reer khaatumo haka jawaabeen oo ficil hakaga jawaabeen degdega

  6. Jeeska

    Marraa waaxid si fiican bay ugaleen hambalyo reer Qardho. Qaad bay la wadayaacayaan dhulkoodiina waa la haystaa kuwa wadana in la gubay ahayd.

  7. mohamuud

    doqomadan dhulkoodii lahaysto oo qaad u dacwoonaya damiir xumaa wuxu miyaysan dad nool ahayn

  8. marka hore ma oran karno halagubo hanti umad soomaaliyeed ama shixnad ganaci oo meel maraysa laakiin waxaan kawada dharagsanahay dhibaatada uu umadeena ku hayo qaadku shaqsiyan hadii lahelayo umad daacadka ah oo si simn ugubaysa qaadka waan taageeri lahaa waxaana wax laga xumaado ah nimanka caaqiliinta somaliyed sheeganaya ee qaadka u doodaya oo waliba hadalo hanjabaad ah raacinaya

Qormadaada

Photo Gallery