Wariye Axmed Saakin oo Lagu dilay Magaalada Laascanood
Dil toogasho ah ayaa hada lagu diley weriye Tilifishanka Universal waramijirey magaalada laascaanood xarunta gobolka Sool. Weriyahan oo lagu diley badhtamaha magaaladda laascaanood waqti uu ku sii jeedey gurigiisa ayaa lagu magcaabi jirey Axmed Faarax Ilyaas “Axmed Saakin”.
Ilaa hada lama garan karo cida ka danbaysey dilka weriyaha iyadoo ciidanka booliska oo goobtaasi soo gaadhey, ayaan ilaa hada wax faahfaahin ah ka bixin sida falkaasi u dhacay.
Dilka weriyayaasha ayaa ah mid aan horey uga dhicin magaaladda Laascaanood taas oo walaac weyn ku keenaysa suxufiyiinta ka hawl gala guud ahaan gobolka Sool
Short URL: http://allssc.com/?p=43965













