War Topnews. Xariir Gadhwayne Oo Lugu Xidhay Magalada Laascaanood
Wararka aan ka helay magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool ayaa Xaqiijinaya in maanta lagu xidhay halkaasi Xariir Maxamuud Axmednoo horey ugu magacawnaa maamulka siilaanyo gudoomiyaha gobolka cayn balse saxaafada iska casilay isaga oo jooga gudaha magaalada buuhoodle.
Waxayna ka danbaysay ka dib markii uu garwaqsaday rabitaanka Shacabka deegaanada Khaatumo State isla markaana uu xilkaa iska casilo, waxaana uu hadda ku xidhanyahay gudaha jeelka magaalada laascaanood, ee lagu dhiigmiirto Shacabka Gobolka Sool & umada Soomaaliyeedaba.
Dhinaca kale sababta uu u aaday magaalada laascaanood isagoo saxaafada ka hadlay isna casilay ayaan la garanayn illaayo hadda balse wararka hoose oo aanu helayno ayaa sheegaya in ninkaas uu u aaday meesha arimo isaga u gaar ah oo famil, balse maamulka Dhiigyacaba siilaanyo (S/land) ayaan kuba siman oo is la xalayba kala baxay hotelkii uu ku degay.
Maaha markii ugu horeysay ee maamulka siilaanyo uu xidho horgalayaasha u soo shaqeeya marka ay shaqada iskaga tagaan.
Short URL: http://allssc.com/?p=42688












