Suxufiyiinta Gobolka Cayn Oo Maanta Qabsadey Munaasibad Baroordiiq Ah, Sidoo Kale Canbaareyay Dilkii Xaq Darada Ahaa Ee Wariye”Axmed Faarax Ilyaas “Axmed Saakin”.(Dhageyso -Sawiro+Warbixin)
Buuhoodle(Allssc)-Suxufiyiinta ku dhaqan gudaha caasimada gobolka Cayn” Buuhoodle” ayaa saaka subaxnimadii iskugu yimid halka idaacada Radiossc halkaaasi oo ay ku muujinayeen munaasibad baroordiiq ah.
Munaasibadan ay saaka qabsadeen dhamaan suxufiyiinta gobolka Cayn ayaa ahayd mid ay ku canbaareynayaa cidii ka xaq darneyd ee dilka u geysatey Wariye Axmed Faarax Ilyaas “Axmed Saakin, Yadoo ay sidoo kale suxufiyiintani sheegeen in tan maanta ka dhacdey gudaha magaalada Laascaanood ay tahay mid ay lug ku leeyihiin Siyaasiyiinta SNM la shaqeeya ee ku sugan gudaha magaalada Laascaanood.
Suxufiyiintan gobolka Cayn oo ay horkacayeen bahda saxaafada maamulka Khaatumo State, Ururka loo yaqaano” KHJO”‘ ayaa ahaa ku aad uga xun sida xool xumada ah ee ay gacanta ka xaq darani u dishay walaalkooda Wariye Axmed Faarax Ilyaas “Axmed Saakin.
Ugu danbeytiina waxay halkaaasi kasoo jeediyeen qudbado aad qiimo badan, Yadoo dhamaanba hadalkoodu haa:- Ma aanaan fileyn in tani oo kale ka dhici karto dhulkayaga, Arinkani waa mid ay shuqul ku leeyihiin dad cadow ah oo aan naga dhalan anaga kuna nool gudaha deegaanadayada, Waa in gacan bira aanu tan oo kale kaga hortagnaa si aan deegaanadayada Sool,Sanaag Iyo Cayn aysan u caadeysan tan oo kale.
Halkan ka dhageyso wariyayaasha G/Cayn.
Ugu danbeytiina waxay munaasibadaasi ku dhamaatey murugo iyo Baroor ka muuqaneysan Suxufiyiinta gobolka Cayn, Sidoo hadaanu nahay bahda shaqaalaha shabakada Allssc.com waxaanu aad uga xunahay dil xaq darada ah ee loo geeystey wallaalkayaga Wariye Axmed Faarax Ilyaas “Axmed Saakin oo ka hawl gali jirey Universal Tv magaalada Laascaanood, Wariyaha oo ahaa mid u shaqeyn jirey adeega bulshadiisa iyo rabitaanka shacabkiisa uu ku dhexnoolaa.
Hadaba Hoos Ka Daawo Sawiro Qeyb Ka Munaasibadan Baroordiiq Ee Ay Muujinayaan Dhamaanba Suxufiyiinta Gobolka Cayn.
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014406283800
Buuhoodle G/Cayn
Shabakada Wararka Samalia,Caalamka,Deegaanada Maamul,ka Khaatumo State Ee Allssc.com/Online
Short URL: http://allssc.com/?p=43989





















