Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Shiinaha Oo Caalamka Ugu Baaqday Inay Fuliyaan Balanqaadyadii Ay U Sameeyeen Soomaaliya

Dowladda dalka Shiinaya ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadashay isbedelka ka dhacya dalka Soomaaliya, waxayna sheegtay in dowladda cusub ee Soomaaliya ugu baaqeyso inay si dhab ah u hirgeliso meelmarinta dastuurka KMG ah ee dalka loo sameeyay, isla markaasna awoodda xukunkeedu ku baahiso dalka oo dhan.

Ergayga Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa hadalkan ka sheegay kulan furan oo uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeeshay xaaladda dalka Soomaaliya, waxaana uu ergaygu ugu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay ka qeybqaataan qorshaha Soomaaliya looga hirgelinayo dib u heshiisiin iyo siyaasadda furan, wuxuuna isagoo arrimahaasi ka hadlaya uu yiri “Waxaan ku rajo-weynahahay haddii aynu Shiinaha nahay in dhinacyada waxgalka ah ee Soomaaliya ay ka faa’ideystaan marxaladda cusub ee ay Soomaaliya gashay, ayna gacan siiyaan dedaalada dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo hormarka Soomaaliya ka socda, isla markaasna ay adkeeyaan midnimadooda iyo iskaashigooda, iyadoo looga gudbayo khilaafka iyo is-afgaranwaaga wadahal iyo watashi”.

Sidoo kale ergaygu waxa uu sheegay in taageerada ay siin doonaan dowladda cusub ee Soomaaliya ay ku xirnaan doonto dedaalka ay u gasho iyo sida ay u hirgeliso ku dhaqanka dastuurka iyo howlgelinta hay’adaha dastuuriga ah iyo gaarsiinta xukunka dalka koo dhan, wuxuuna yiri “Waxaanu ku dhiirogelinaynaa dhinacyada Soomaaliya inay ka haraan gacan ka hadalka ayna ku biiraan dedaalada dib u heshiisiinta nabadda sida ugu dhaqsiyaha badan uguna suurtagalsan, sidoo kale waxaan gacan ka geysanaynaa hay’adihii amniga si ay u soo ceshaan waajibaadka ka saaran soo celinta nabadda”.

Sidoo kale dowladda Shiinaha waxay sheegtay inay ugu baaqeyso dalalkii horay ugu yaboohay inay dhaqaale siinayaan Soomaaliya inay si deg deg ah u bixiyaan balanqaadyadaasi, waxayna sidoo kale dowladda Shiinaha intaasi ku dartay in dhibka Soomaaliya ku dhacay uu sabab u yahay faqriga iyo nin jeclaysiga iyo eexda.

Allssc News Desk/Online
allssc@allssc.com
hiirad@allssc.com
naaji@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=43447

Posted by on Oct 17 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery