Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Safaarada Somalia ee Dalka China oo gabtay Shaqadii Qaranka Soomaaliyeed kuna soo baxeen Fadeexado Cusub

Soomaalida kunool Dalka Shiinaha ayaa qeylo dhaantii ugu xooganeed kasoo saaray Safaarada Soomaaliya ku leedahay Dalkaasi taa oo hooshii loo igmaday u badashay in ay ilbaabada kasoo xirtaan Soomaalida Kunool Dalkaasi kuna caweeyaan Baararka Dalkaasi.

Qaar kamid ah Soomaalida kunool Dalkaasi ayaana Safaarad Soomalaiya ee ku leedahay Shiinaha ku eedeeyay in aysan aheed Safaarad qabata danta Soomaalida kunool Dalkaasi ayna tahay kaliya in ay cunto deeqaha Soomaaliya loogu tala galay sidoo kale ay iska indha tiraraan Soomaalida kujirta Xabsiyada Dalkaasi iyo kuwa Dhibaatooyinka kale ku heestaan.

‘’Walaalow meeshan dulmi ayaa ka socda umadeena meel walba wa ku dulmanyihiin lakiin xaqa afka lama qaban karo ,hadii aan nahay Soomaalida kunool Dalka Shiinaha Safaarad nooguma taal dalkan waxaana ku yaala guri ay dhoor nin heestaan balse ku qaraabta magaca Safaarada Soomaaliya ‘’ ayuu yiri mid kamid ah Soomaalida kunool Dalka Shiinaha oo xariir nala soo sameeyay.

Paasaboorka Soomaaliga ah ayaana la sheegay in Jaamacadaha kuyaala Dalkaasi laga diiday mana jiraan wax ay ka qabatay Safaarada Soomaaliya ku leedahay Dalkaasi oo iska indha saabtay in ay wax ka qabato ama ay Dowlada Shiinaha kala hadasho Soomaalida wax kabarata Dalkaasi iyo kuwa kale ee kunool.

Saafaarada waxaa safiir ka ah Yusuf Dheeg waxaana qunsul sheegto Cawale Cali Kulane nin la dhaho oo ah xoghaya koowaad ah laakin sheegto inuu qunsul yahay, Wasaarada arimaha dibada Somalia waxay sheegtay in cawaale xoghaya kowaad yahay loona magacaabay waaguu cumar abdirashiid ra’isalwaraha ahaa. labadan nin ma jirto wax ay ka qabtaan dhibka , qaxootiga iyo ardayda haysta ma jirto waxaa ila hada la’layahay oo xabsiyada dalkan ku jira somalia badan Safarada hadii ana kala hadalna arintaasina dhagaha ayey naga fureestaan ” ayuu yiri Mid kamid ah Ganacsatada kunool Dalka Shiinaha.

Madaxda Safaarada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay Musuq maasuqeen lacago badana kala baxeen Deeqo Waxbarasho ay ugu deeqday Dowlada Shiinaha kuwaa oo la sheegay in Masuuliyiinta Safaarada ay iibsadeen Dowladana aysan wax war ah ka heyn arintaasi

Soomaalida kunool Dalka Shiinaha ayaana Dowlada Cusub uu Hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in Dowladiisa soo fara galiso dhibaatada ka taagan Safaarada Soomaaliya ayna Dalkaasi usoo Magacowdo Dowlada Safiir Cudsub oo Xalaal ah kana turjamaya magaca Qaranka Soomaaliyeed.

Sama Wade China Allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=44218

Posted by on Oct 28 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery