Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Sadexda Xubnood ee ugu cadcad Qabasha Xilka R/wasaaraha oo ka kulmey Madaxweyne Xasan Sheekh(warbixin)

 

Muqdisho(Allssc) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la yeeshay saddex murashax oo ka mid ah 11 xubnodod oo lasoo xulay labaatameeyo xubnood oo xilka ra’iisul wasaaraha u taagnaa, iyadoo lagu wado in madaxweynuhu uu ra’iisul wasaaraha ku dhaawaqo inta lagu gudo jiro 48-ka saacadood ee soo socda.

Xubnaha uu madaxweynuhu kasoo reebay xubnihii isku soo taagay qabashada xilka ra’iisul wasaarenimo ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuusan ku jirinra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ahaa siyaasiyiintii sida weyn loo filayay in xilkan loo magacaabo.

Murashaxiinta ugu cad-cad ee uu madaxweynuhu la kulmay ayaa waxay kala yihiin:

Cabdulqaadir Faarax Shirdoon (Saacid) oo ah ganacsade deggen dalka Kenya, kana mid ahaa xubnihii wax ka dhisay xisbiga Rajo iyo xisbita nabadda iyo horumarka ee uu kasoo jeedo madaxweynaha Soomaaliya.

Dr:Cali Ciise Cabdi oo isna ah mas’uul horay uga soo shaqeeyay Bankiga Adduunka  dejiyeyna in ka badan 22 wadan oo african ah miisaaniyadooda isla markaana  madax ka  ah hay,ada HESPI oo saldhigeedu yahay dalka Itoobiya.

Sidoo kale, waxaa ka mid ah xubnahan wasiir dowlihii  qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee maamulka Faroole, Cabdulqaadir Cabdi Xaashi.

Xubanahan saddexda ah ayaa waxay ugu cad-cad yihiin 11 xubnood ee madaxweynaha uu kasoo saaray xubnihii tirada badnaa ee damaca uu kaga jiray qabsahada xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu ra’iisul wasaaraha ku dhawaaqo labada casho ee soo socota, iyadoo xilligii uu haystay ay ka dhiman tahay wax ka yar hal toddobaad.

Maxamed Wali

Allssc Muqdisho

Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=42680

Posted by on Oct 5 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery