Roobab Ka Da’ayay 48 Saacadood Buuhoodle Iyo Degmooyinka Kale Ee Gobolka Cayn,Iyo Maayirka Degmada Buuhoodle Ee Maamulka Khaatumo”Cabdicasiis Ducaale” Oo Wareysi Siiyey Shabakada Allssc.(Dhageyso Wareysi)
Buuhoodle(Allssc)-Roobabka deyrta ayaa ah kuwo gudaha bishanba ka da’ayay dhamaanba deegaanada hoostaga gobolka Sool, Yadoo markii ugu dabeysay ay roobabkani ka da’ayaan n gudaha magaalada Buuhoodle 48 Saacadood ilaa iyo wakhtigan hada ah.
Raxmaadka Eebe ayaa ah kuwo maansha maansheeyay dhamaanba deegaanada hoos taga gobolka Cayn, Waxaana ay roobabkani ka da ‘ayeen gudaha magaalada Buuhoodle tan iyo maalintii ciida ahayd Subaxnimadii ilaa iyo hada 48 Hours.
Hadaba shucuurta ka muuqata shacabka magaalada Buuhoodle iyo deegaanada kale ee hoos taga gobolka Cayn, Ayaa ah mid u muuqata rayn rayn iyo farxad ay keeneen Raxmaad kan Eebe.
Hadaba mar aanu khadka talephone ku wareysanay maayirka degmada Buuhoodle ee maamul goboleedka Khaatumo State”Cabdicasiis Ducaale Qanbi” , Ayaa waxa uu nooga war bixiyey Raxmaadka Eebe ee ku biigan xiligan deyrta ah iyo Sida ay uga da’een dhamaanba deegaanada hoos taga gobolka Cayn, Yadoo maayirku warbixintiisa ku darey in ay jirto sameeyn balaadhan oo uu ku keenay deegaanadani iyo khatar kale oo hada laga filayo in ay keenan roobabkaani.
Maayirka ayaa sidoo kale noo sheegay in uu buux dhaafey bali ku yaala duleedka magaalada Buuhoodle” Shangale” Baligan oo ah bali ay ka cabaan dadka reer guuraaga ah amaba xoolo dhaqatada ah iyo sidoo kale shacabka magaalada Buuhoodle xiliga abaaraha.
Yadoo maayirku sheegay in xilgan uu buuxo baligani hada ay wali socdaan roobabkani, Taasina ay keeni karto Waxyeelo ka timaada gacamada baligan, Taasi oo halis u ah bulshada ku dhaqan gobolka Cayn miyi iyo magaalaba.
Ugu danbeyntiina maayirka ayaa ka warbixiyey degmooyin kale oo uu dhismahoodii waxyeelo u geeysteen roobab kan deyrta ah ee ka da’aya deegaanadani ka tirsan gobolka Cayn.
Hadaba Hooska Dhageyso Wareysi Kooban Oo Ay Shabakada Allssc.com La Yeelatay Maayirka Degmada Buuhoodle Ee Maamul Goboleedka Khaatumo State”Cabdicasiis Ducaale Qanbi”.
Halkan Hoose Ka Dhagayso
Halkan Ka Dhagayso
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014406283800
Buuhoodle G/Cayn
Short URL: http://allssc.com/?p=44172












