Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Ra’iisul Wasaaraha Cusub Oo Maanta La Horgeyn Doono Baarlamaanka, Si Codka Loogu Qaado

Mugdisho(Allssc)Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa lagu wadaa in maanta la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo lagu wado in la dhaariyo marka codka kalsoonida loo qaado.

Kulamo gaar gaar ah ayaa xalay ka socday Xarunta Madaxtooyada, kaasoo dhex maray Madaxda sare ee dowladda iyo Xildhibaanada, waxaana qorshaha uu ahaa sidii codka kalsoonida u heli lahaa Ra’iisul Wasaaraha.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah Xogheynada Baarlamaanka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu saaka hor imaanayo, isla markaana loo baahan yahay in Xildhibaanada ay soo xaadiraan.

“Saaka waxaa Baarlamaanka la horkeeni doonaa Ra’iisul Wasaaraha, Xildhibaanada waxaa laga codsanayaa inay soo xaadiraan”ayuu yiri Xildhibaanka oo Mudanayaasha Baarlamaanka ka codsaday inay waqtiga ilaaliyaan.

Waxaa jirta aragtiyo kala duwan oo sheegeysa in Ra’iisul Wasaaraha codka kalsoonida loo qaadi doono, kadibna la dhaarin doono, halka warar kalena ay sheegayaan inuu Baarlamaanka ka hor-jeedin doono qorshihiisa siyaasadeed iyo Golaha Wasiirada uu soo dhisi doono waxa uu ku saleyn doono.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa diidan fikirka ah in Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa isku mar la ansixiyo, iyadoo ugu horeyn dalbaday in Ra’iisul Wasaaraha kalsoonida helo, lana dhaariyo, si uu kadib Gole Wasiiro u soo magacaabo, markaas kadibna codka kalsoonida loo qaado Golaha Wasiirada.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa laga war sugayaa sida uu u soo gudbiyo aragtiyada Xildhibaanada hadii codka kalsoonida loo qaadayo iyo hadii kale, inkastoo Ra’iisul Wasaaruhu khudbad uu kalsoonida ku weydiisanayo Xildhibaanada ka jeedin doono fadhiga baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 6-dii bishan u magacaabay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shir-doon, kadib muddo 25-cisho oo laga sugayay cida uu u soo xulanayo Wasiirka koowaad.

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
Free Call:-0014406283800

Short URL: http://allssc.com/?p=43438

Posted by on Oct 17 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery