Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Rag hubeysan oo xalay magaalada Marka ku dilay nin rayid ah

Marka(Allssc)Wararka ka imaanaya magaalada Marka ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysan ay ku dileen nin ka mid ah dadka deegaanka.

Sida ay sheegayaan wararka ninka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Mikaa’iil ayaa lagu dilay Xaafada Baar Ruusiya, iyadoo la sheegay inuu ahaa farsamayaqaan cilad bixinta TV-yada.

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in dilkan ka dhacay degmada Marka ay geysteen kooxo hubeysan, isla markaana ay ku raad-joogaan.

Dilkan ayaa noqonaya kii u horeeyay degmada ka dhaca, tan iyo markii Ciidamada dowladda iyo AMISOM la wareegeen magaalada Marka bishii la soo dhaafay.

Shalay ayay aheyd markii banaan bax ay dhigeen dadka ku nool magaalada Marka ay kaga cawdeen dhibaatooyin ay geystaan Ciidamada dowladda, iyadoo habeen hore qof dumar ah lagu kufsaday Xaafada Buulo Jaan.

Dilalka qorsheysan ayaa noqday kuwo si joogta uga dhacay magaalooyinka dalka, waxaana magaalooyinka ay la wareegeen Ciidamada dowladda iyo ciidamada shisheeye ku soo badanayay dilalka.

Short URL: http://allssc.com/?p=43761

Posted by on Oct 21 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery