Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Qeybtii Afaraad Cutubyo ka Tirsan Ciidamada dalka Jabuuti oo gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan

Beledweyne(Allssc)Cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa ee AMISOM ayaa maalintii shalay gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamadan oo ku hubeysan gadiidka dagaallka islamarkaana sita hub iyo saanad militari ayaa noqonaya raacii ama qeybtii afaraad ee ciidamo ka socda Jabuuti oo gaaray magaalada Baladweyne.

Saraakiisha ciidamada ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan wali ciidamo kale oo la filayo in ay soo gaaraan magaalada, iyadoo marka ay soo dhameystirmaan tirada ciidamada lagu wado in ay la wareegaan sugida amniga iyo saldhigyada ciidamada Itoobiya ay hadda kaga sugan yihiin magaalada Baladweyne.

Dhawaan ayeey aheyd markii ay kulan balaaran ku yeesheen saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo odayaasha dhaqanka magaalada Baladweyne, kaasoo looga wada hadllay arrimo quseeya sugida nabad-galyada iyo tababaro loo furayo dhalinyarrada hubeysan ee u abaabulan habka beeleedka.

Marka laga soo tago howlaha militari waxaa ay sheegeen saraakiisha ciidamada Jabuuti in sidoo kale ay gacan ka geysan doonaana arrimaha ay ka mid yihiin dib u dhiska adeegii bulshada ee ku bur buray dagaallada.

Shabakada Wararka Allssc/Online
Beledweyne,Somalia

Short URL: http://allssc.com/?p=44409

Posted by on Oct 31 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery