Qarax qasaare geystey oo ka dhacay xarunta maamulka degmada Kismaayo
Kismayo(Allssc)Illaa lix ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii uu bam ku qarxay xarunta maamulka degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay xarunta maamulka degmada Kismaayo waxaana dadka ku dhaawacmay mid kamid ah uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowlada.
Waxana wararka ay intaa ku darayaan in shanta ruux oo rayid ah ay ku dhaawacmeen qaraxan ay afar ahaayeen haween.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ee jooga magaalada Kismaayo ayaa howlagalo ay ku raadinayaan dadkii ka dambeeyey qaraxan ay ka sameeyeen deegaanada ku dhow dhow xarunta maamulka degmada Kismaayo.
Qaraxyada ayaa ku soo badanaya magaalada Kismaayo ee horaantii bishan ay gacan ku haynteeda la wareegeen ciidamada huwanta.
Qaraxyd ka dhaca magaalada Kismaayo ayaan la ogeyn inay yihiin kuwo hore loogu sii duugay magaalada ama qaar xilliyada habeenadii lagu aaso. hase yeeshee dadka ku nool magaalada Kismaayo ayaa cabsi weyn ka muujinaya qaraxyad ka dhacaya magaalada waxaana qaraxyadu ay saameyn ku yeesheen socodka dadka iyo meelaha muhiimka ahoo ay dadku ka feejigan yihiin inay tagaan ama fariistaan.
Magaalada Kismaayo ayaa boqolaal ruux ay soo qabqabteen ciidamada huwanta ah ee gacanta ku haya hase yeeshee waxaa weli socda qaraxyada ka dhaca magaalada ee lala beegsado ciidamada.
Short URL: http://allssc.com/?p=44155












