Qarax Miino oo askar ka tirsan Ciidamada Itoobiya ku geeriyoodeen oo ka dhacay B/weyn
Beledweyne(Allssc)Labo ka tirsan Ciidamada Itoobiya ayaa ku dhintay, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax miino maanta lagula eegtay mid ka mid ah Xaafadaha magaalada B/weyn.
Qaraxa Miino ayaa yimid kadib markii Ciidamada oo ku guda jiray howlo miino baaris ayaa mid ka mid ah ay ku qaraxday, iyadoo rasaas ay fureen Ciidamada ay ku dhaawacmeen dad rayid ah.
Sidoo kale lix ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay qaraxa, iyadoo wararka kala duwan ka soo baxayaan.
Wararka ayaa sheegaya in rasaas ay fureen Ciidamada Itoobiya ay ku dhaawacmeen dadka rayidka, markii qasaare ay soo gaareen.
Gudoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka Gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Inji ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku aaseen magaalada ilaa labaatameeyo miino, balse ay ka saareen, ayna fashiliyeen sida uu yiri.
Qaraxyada miino ayaa ahaa mid ku soo badanayay magaalada tan iyo markii Ciidamada Itoobiya ay qabsadeen magaalada dhamaadkii sanadkii hore.
Short URL: http://allssc.com/?p=43754












