Qarax ka dhacay magaalada laascaanood Oo Qasaare gaystay
Laba qof ayaa ku dhaawacmay inta la og yahay qarax xoogleh oo goor dhowayd ka dhacay bartamaha magaaladda Laascaanood xarunra gobolka Sool.
Dadka qaraxan ku dhaawacmay ayaa mid ka mid ah ciidanka boolisku qaadeen iyadoo ay sheegeen in ay isaga ka shakisan yihiin baadhisna ay marininayaa, halka ka kalena uu ahaa wiil yar oo malcaamad quraan goobta ku dhoweyd ka soo baxay sida ay allssc u sheegtay Maryan C/laahi oo goobtaasi ka dhowayd.
Qaraxan oo ka dhacay xaafad ku taal waqooyiga Laascaanood ayaa laga maqlayey ayaan weli si dhab ah loo ogayn khasaaraha rasmiga ah ee uu geystey iyadoo ay wadooyinka aagaas ay xidheen ciidanka boolisku ayna sheegeen inay baadhayaan nooca qaraxa iyo cidii ka danbaysey
Qaraxan ayaa noqonaya mid walaac horleh ku soo kordhiya magaaladda Laascaanood oo mudooyinkii u danbeeyey amaankeedu uu ahaa mid ka soo raynaya
Short URL: http://allssc.com/?p=43885












