Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Qaban qaabada Munaasabada magacaabista R/wasaaraha oo ka socota Madaxtooyada.

Mugdisho(Allssc)Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka socota qaban qaabadii u dambeysay Munaasabada lagu soo magacaabayo xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Soomaaliya, kaasoo lagu wado in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqo gelinka dambe ee maanta.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Madaxtooyada hadal heynta magacaabista Ra’iisul Wasaaraha ayaa aheyd mid xalay oo dhan la isla dhex marayay in maanta oo sabti ah Madaxweynaha uu goostay inuu ku dhawaaqo Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Waxaa loo badinayaa in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu keeni doono nin aqoon badan leh, horana uga soo shaqeeyay Dowladihii Dalka hore u soo maray sidoo kalana xidhiidh dhow iyo mid aqooneed u leh Dowaldaha Calamka iyo Ururada Calamiga ah.

Wixii kasoo kordha kala soco Allssc

 

 

 

Allssc News Desk/Online
allssc@allssc.com
hiirad@allssc.com
Mugdisho,Somalia

Short URL: http://allssc.com/?p=42749

Posted by on Oct 6 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery