Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Qaab Noocee Ah Ayay U Aasaan Dadka Ka Dhinta Dadka Tibetan ka “Kororso Aqontada” ( Daawo Maqal Muuqaal) “Muqalo Naxdinleh Ayaa Ku Jira Hadaawan Hadaadan Awoodin Hadawan”

London(Allssc):Iyada oo aan ognahay in Dadka Calamka ay kala duwan yihiin Waxyabaha ay aminsan yihiin Sida Diimaha, Dhaqanka ,Deegaanka, Cimilada ayaa waxa sidoo kale kala duwan Qababka ay wax u aastaan marka uu dhinto qof ka mida.

Sida Dadkena wada yaqaanaan sida Islamka Kiristanka iyo qowmiyado kale waxa ay qofka ka dhinta u aastaan qaabka aynu naqaano ee ah in qofka dhulka loo qodo dabadeedna loo aaso.

 

 

 

 

 

 

Dadka Haystay Diinta Islamka ayaa ah dadka ugu fiican habka Qof Geeriyooday loo aaso, Islamka ayaa wakhtigisa ugu danbeeya loo laqimaa yaqiinta, waxana marka ay naftu ka baxdo dabadeed la dhaqaa jirkisa isaga oo la mariyo wax jidhkisa caraf u yeela, Waa lagu tukadaa lona duceeyaa salada dhexdeda. Waxa sidoo kale la huwiya Maradisa cad ee kafanta, dabadeed waxa dhinicisa midig loo dhiga dhulka waxana lo jeediyaa dhinaca Qiblada. Waloo duceeyaaa Allee Danbidhaaf loo waydiiyaa waxa ugu danbayn laga codsadaa Mujtamaca Muslinka ah isugu yimi qabriga inay cafiyaan.

Lakin Umada kale ee inagula dhaqan calamka Nasiibkaas ma helaan Sida Qofka dhintay ee Islamka ah loo qadariyana loma qadariyo.

Christian ka ayaa iyagu sidoo kale Asa Mayska waxana ay geyaan Kaniisada isaga oo lasoo galiyay Qafis loosoo xidhay Suudh cusub, ubaxyo waxana ay godka galiyaan iyaga oo u heesaya , inta aysan ciida ku rogin ayay dhalooyin khamri ah ku afrogaan. dadka kasoo qayb gala aaska ayaa laga codsadaa inay soo xidhaan dhar mad madow.

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale Dadka loo yaqaan Hinduska oo iyagu aan la sharixi karin waxa ay aamin sanyihiin iyo waxa ay rumansan yihiin madama ay u aminsan yihiin waxkasta oo adunka jira inuu noqon karo Ilaah, midaas oo ad kaynaysa in la helo wax ay Caqiido iyo Diin ahaan u rumaysan yihiin. hadana aynu ku koobnano sida ay wax u aastaan.

Hinduska ayaa Qofka ka dhinta waxa ay u qadan dhinaca lagu gubi laha isaga oo dusha lagu sido durbanana loo tumayo , waxa la geeyaa halka lagu gubi lahaa, waxa khasab ah in reerka uu ka dhashay ay bixiyaan qoryaha lagu gubayo sida sawirka ka muqata qoryaha xabada ah wa kala qalisan yihiin reer ka lacagta leh waxa ay qofkoda ku gubaan qorko qaacoodu udug leeyahay midaas oo ay u amin san yihiin in ay qofka la gubayo u ajar badan tahay, reerka danyarka ay ayaa ku guba wax walba oo ay helayaan. qofka ayaa xabada dusha dhinacyada iyo hoostaba laga mariyaa si uu aad ugu gubto. waxa gobta ku sugan niman yaqan sida qofka danbas loga dhigo balse ugu horayn waa in qofka qoyska ugu wayn markaa waa inuu dabka ku dhajiyaaa una furaa albaabka gubniinka.

Waxkasta oo qofka lagu gubo waa uu soo urayaa markasta waa qadhmuun, mindhicirada ayaa dilaacaya,maskaxda ayaa u qaraxda sida Bomb oo kale dadka ehelada qofka  ee ka agdhow halka lagu guayo qofkoda waa ay suuxaan inta badan. sacado badan ka dib waxa  reerka uu qofku ka dhintay loo keenaa danbas yar oo ka hadhay qofki ka dhintay.

 

 

Dhimaan qaababkas inta badan dadku waa arken ama waa maqleen balse waxa midaas ka duwan ay ka jirtaa Dhulka loo yaqaan Tibet oo ah dhul aad u sareeya buuralay ah waxa uu dhulka ka sareeyaa 4000 oo mitir. Dadkan halkaa ku nool ayaa amin san waxa loogu yeedho Buddhist ka waxan ay shegan in dhulkodu adag yahay oo an la qodi karin  waxa ay dadkoda ku xeeldheer sheegaan Buddhist ay shegan in qofkoda dhinta ay sidan u fican tahay. Qofka marka ay naftu ka baxdo waxa ay u hilaan sida dhisha ama way isku camaajuujiyana inta la gaynayo halka lagu jar jarayo lana siinayo haada.

Qofka ayaa loosoo qada buur dusheed halkas oo dhaqan u ah in qofka la geeyo. inta la wada waxa la garaca Jalas Ganbaleel, Garaaca Ganbaleelkaas waxa soo raaca Haad iyadu u baratay cunida Jidhka Bini aadamka iyo lafihiisaba, Qofka waa la saafaa si Haadu u feenao, Marka ay dhamaystaan hilibkisa waxa dabadeed loo bur buriyaal lafihiisa dabadeed Haadu kama tagto Biixiyar oo ka mida qofkaas loo safay waxayna asisaan ku magacabaan Sky Burial.

Waxa kaloo jirta Cado kale oo ay isla dadkan u aasaan,oo ka duwan mida aan so shegnay waxa ay qofka ku aasaan biyaha hoostoda, oo macneheedu yahay in qofka dhexda lagaga xidho  wax culus oo biyaha hoos u dajiya midaas oo mudo gaban dadabeed la arko qofka oo soo caaryaya.

Halkan Hoose ayaan ku arli kartaa qaababka Shinbiraha logu dhigo iyo sida biyaha logu aaso. Fadlan hadadan awoodin ha Daawan.

Daawo Qabka Loo Diyarinayo Qofka Haada Lasii Nayo

Daawo Qaabka Haada Loo Siinayo

 

Halkan Hoose Ka Daawo Qaabka Biyaha Loogu Aaso

Daawo Sida Ay Biyaha Ugu Aaseen

 

Allssc News Desk

Allssc3@gmail.com

Allssc@hotmail.com

Allssc@allssc.com


Short URL: http://allssc.com/?p=43170

Posted by on Oct 13 2012. Filed under Fikradaha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery