Prof. Jawaari “Howsha ugu culus ee afarta sano soo socoto waa la xisaabtanka Xukuumada”
Mugdisho(Allssc)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shaaca ka qaaday qorshe howleedka cusub ee horyaala Baarlamaanka afarta sano ee soo socota uu yahay la xisaabtanka Xukuumada.
Wareysi uu siiyay Radio Muqdisho ayuu ku sheegay in Baarlamaanka uu matalo shacabka, isla markaana ay ballaarin doonaan kalsoonida ay ku qabaan Baarlamaankooda, isagoo meesha ka saaray dib u dhac iyo gaabis ku yimaada howlaha Baarlamaanka.
“Istiraatiijiyada Baarlamaanka loo dejiyay waxaa kow ka ah qorshe howleedka afarta sano ee soo socota la xisaabtanka Xukuumada”ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari.
Prof. Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaanka horyaalo howl fara badan, isagoo tibaaxay inay haatan ku tala galayaan waxa uu Baarlamaanka hiigsanayo afarta sano ee soo socota, waxaana uu carabka ku adkeeyay in Baarlamaanka ay ka go’an tahay inuu la xisaabtamo Xukuumada iyo Hey’adaha dowladda, taasna ay tahay howsha kaliya ee ay uga wakiilka yihiin shacabka.
Inkastoo Baarlamaanka ay sugayaan howlo fara badan, hadana tan iyo intii la soo doortay, waxaa habacsanaan laga dareemayay howlaha Baarlamaanka iyo kulamada oo ahaa mid gaabis ahaa.
Baarlamaanka ayaa dhowaan ansixiyay Miisaaniyada saddexda bilood ee sanadkan ka hartay, iyo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee uu soo magacaabay Madaxweynaha, iyadoo laga sugayo in dhowaan uu soo magacaabo Gole Wasiiro.
Xafiis Shabakada Allssc Magaalada Mugdisho
Short URL: http://allssc.com/?p=44267












