Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Odayaasha Dhaqanka Hawiye Oo Ka Digay In Golaha Wasiirada Laga Dhigo 9 Wasiir – Xassan Shiikhna Ugu Baaqay Inuusan Dalka Dib Ugu Celin Burbur Hor Leh (Dhagayso).

Muqdisho(Allssc): Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa digniin xoogan kasoo saaray qorshe ka soconaya Madaxtooyada dowlada Soomaaliya kaas oo lagu yareynayo tirada golaha Wasiirada.

Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaas ayaa sheegay in ay heleen war ah in la magacaabayo kaliya 9 Wasiir. Waxaa uu sheegay in qorshahaas uu iska horkeenayo umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan beelaha.

Ugu yaraan 18 Wasiir ayuu sheegay in ay tahay xaalka ugu haboon ee xiligan dadka Soomaaliyeed ay ku qanci karaan.

Hadalka Nabadoonka ayaa kusoo aadaya xili ay soo baxeen warar sheegaya in golaha wasiirada lagu soo koobayo 9 Wasiir oo kaliya.

Halkan Hoose Ka Dhagayso Warasigii Madax Dhaqameedka

Halkan Ka Dhagayso

 

Allssc News Desk Muqdisho

Allssc3@gmail.com

Allssc@hotmail.com

Allssc@allssc.com

 

Short URL: http://allssc.com/?p=44286

Posted by on Oct 29 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery